Aabo Suuriyana iyo labadiisa Xaas iyo Duruufo Qalafsan oo ku Gadaaman

Sida aynu og nahay waxaa magaalada Hargeysa si maalin’le ah ugu soo qul-qulaya qaxoonti, Suuriyaana kuwaasi oo ka soo cararaya colaadaha waddankoodi ka oogan.

Qaxoontiga waddanka ku soo qul-qulaya waxaa intooda badan ay degaan mid ka mida Hutelada ku yaala gudaha magaalada Hargeysa.

Dadkani ayaa u soo Hayaamay Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa iyaga oo baadi goobaya meel ay ka helaan badbaado iyo cunto waxaaney soo gaadhayeen iyaga oo in badan ka mid ahi ay duruuftu ay kor kooda ka muuqato, qaarkood maalmo ayay soo lugeynayeen ka hor intii aanay magaalada soo gaadhin, iyaga oo ka soo safrayay dalalka aynu jaarka nahay.

Maxamed Al Muxsin waxaa uu ka mid yahay dadkii ugu danbeeyay ee soo gaadha magaalada Hargeysa, isaga iyo laba xaas oo uu qabo.

Hadaba Umalkheyr Cabdillaahi Muuse kana mida muwaadiniinta reer Somaliland, ayaa ILLAAHEY ku il-haamiyay in ay booqato Huteelkani si ay wax uga ogaato xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin, Qaxoontiga Suuriyaanka ah ee Hutelkani degan, waxaanay muuqaal ay ka soo dubtay Aabahan iyo kuwa kaleba ay ku baahisay barteeda facebooc.

Waxaa ay goobtaasi kula kulantay Maxamed Al Muxsin Subxi, kana mida Qaxoontiga Suuriyaanka ah ee ku sugan magaalada Hargeysa, waxaa uu leeyahay laba xaas, iyo saddex carruura waxaa uu degan yahay Huteel, waxaana habeen kasta laga qada qadar lacageed oo dhan 10-dollar.

Aabo Maxamed waxaa uu bulshada ka codsanaya in la soo caawiyo ILLAAHEY dartiina loogu gar-gaaro waxaa muuqaalkan kooban oo ka hadlaya dhibta ay dadkani la daris yihiin, inala wadaagtay ILLAAHEY miisaanka xasanaadka hawgu dare Umalkheyr Cabdillaahi Muuse oo soo gelisay degalka ay ku leedahay Facebooc.

Bal aan soo qaadano maansada uu tiriyay abwaan Xasan Dhuxul Laab Saalax, ee ‘Nimcadu kula Aabo Maaha’ taasi oo ka hadlaysa, sida umadu marka kalgaceyl iyo naxariis iyo jaceyl dhexdeeda yaalo inay istaakuleyn og tahay, oo ay istaageeris og tahay, waxaaney si gaara isu dul taageysa in keena ladani keena liita ha taageero, sida dadkan inagu soo qaxay ee dalkeena soo miciinka biday ee reer Suuriya.

 

Ayaamuhu waa wareegto
Adduunyaddu waa hadh guura
Irmaankeediyo ladnaanta
Aadmigu laba goor ma heysto
Faqrigu abtisiiimo maaha
Hadaad amin xoola heyso nimcadu kula aabo maaha
Miskiinka awood dareeyay
Itaalka iyo heynta liita
Hayaanka iyo maalmihiisu berriba way iman karaane
Aduunyo qofkaad ku dhaanto
Duruufi agtaada keentay
Ha noqon ma arxame bakheyla
Ku dhaafaya oomanaanta
Ku dayriya arag yaraanta
Ku diidaya uurmadhnaanta
Lahaw daymada Islaamka
Lahaw damqashada ogaalka
Kada urugada waxyeelka
Kada digasho ilaaqda
Kadaa afxumada saboolka

Muddo gaadheysa shan caano maal ayay magaalada Hargeysa u soo lugeynayeen, hadase waa ay soo gaadheen.

Rafaadka iyo dhibta heysta waxaa garan kara uun qof ay dhibtani la kulanto, oo aan dalkiisi hooyo joogin.

Waa bil Ramadaan waa 10-kii khayr badnaa ayaa lagu jiraa.

Walaal ILLAAHEY dartii ha loo soo caawiyo dadka ‘Madaafirka ah’ ama ‘Qariibka ah’ duco wayn ayaa ku jirta, carruurtaa yar yar ee lala soo safaray ha la soo caawiyo sidii kuwii hore loo caawiyey INSHA ALLAH, hana loo sii shargree iyo Axbaab Fillah.

Cidii ILLAAHEY dartii wax ugu tareysa ee u caawineysa ha kala xidhiidho telefoonkooda gacanta oo ah kan o636266673.

Mahadsanidin

ALLAA MAHAD LEH

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker