Kooxo Xagjir Ah Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Qasaan Doorashada Maraykanka

Saraakiisha ayaa ka digaya xasillooni darro siyaasadeed, bannaanbaxyada rabshadaha wata iyo marin-habaabinta iyo wararka been abuurka ah ee ay dalalka qaar ku hayaan shacabka Mareykanka si ay u saameeyaan doorashada.

 

Waaxda Amniga Gudaha iyo Hey’adda Danbi-baarista ee FBI ayaa sheegay in ay u badan tahay in ay kordhi doonto khatarta kooxo xagjir maxalli ah ka iman karta laga soo billaabo bisha soo socoto illaa laga gaarayo maalinta doorashada ee saddexda November.

 

Bannaabaxyo ka dhacay guud ahaan Mareykanka xili dhawaa oo lagaga soo horjeedday Sinnnaan la’aanta dhanka isirka iyo habdhaqanka ciidanka booliska ee dadka madow, ayaa qaarkood noqday kuwo ay rabshado hareeyeen, laakin intooda badani ku dhamaaday si nabad ah.

Madaxweyne Trump ayaa todobaadki hore shaki geliyay inuu aqbali doono, haddii looga guuleysto doorashada madaxtinimada ee November.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker