MUSTAQBALKA SOMALILAND. WAA DOORASHO DHACDA IYO WADA HADAL SOMALIYA.MIDHO DHALA

Somaliland waa dal iyo dad jiray intii uunka la abuuray.waa umad wadanima  jecel xornimada u halgamay
horiyadii sida Somaliland, somalida koonfur, halgankii Djibouti. kilinka somali galbeed iyo wajeereey calanka hoo.
nasiibdaro waxay ka dhaxashay cawaaqibxumo ka dib burburkii Somaliland kaga dhacay xukunkii
mogadisho ee 1988 kii ilaa 1991 kii .
taas oo dhalisay in lagu dhawaaqo gooni isku tag iyo la soo noqosho dawladii Somaliland ee 26 june 1960.
tixbaa tidhaa
MAR HADAAN SIDAA YEELA
IYO WAANO KALA QUUSDAY
SAW INAAN DANTAY WAANIYAA
IGU WANAAG MAAHA..
SOMALILAND runtii waxbadan bay qabsatay
intii ay taladeeda gacanta ku dhigtay 1991 burco,
dhinaca waxbarasho dib u dhis
caafimaad iyo amniga guud.
doorashooyin madaxweyne gola shacbi iyo
degaan intaba.
WAXBA YAANU XOOLANA ISIIN
XAASNA II KORINE
XAASHAA NIN LIBIN KAASTIYEY
XUMIHI WAA YAAB.
shacabka Somaliland waa shacab xariir ah goba geeri iyo nololba yaqaan
dhabar adayeg leh duruufaha nololeed ,waayo aragnimo u le maarayenta
nololsha qalafsan abaaraha iyo xukun macangeg ah sida loo maareeyo.
ALLAHAYOW NIN II DARAN MAXAAN DAAFTA HORE SEEXSHAY
 NIN II DAAQSANAAYANA MAXAAN NABADA DEEQSIIYEY
MA DEG DEGO EH XAAJADA MAXAAN DULUQAAD YEESHEY
NAFTU NIMANAY DOONAYEYN MAXAAN HADALKA DEEQSIIYEY.
N.B
DOORASHOOYINKA GOLAYAASHU WAA MUHIIM
IN AAN SOMALI KALLA BAXNAA GOLE MARKHAATI GARNAQSI
LEH WAA DARUURI  OO BEESHA CAALAMKU GOOBJOOG KA TAHAY.
mandiqada aan ka soo jeedno  waa barmuuda aan nabadi hoy ku lahayen
sidaa awgeed BURCO IYO HARGEISA waxa ka soo yeedhaya war iyo wacaal aan
dhaayuhu dhugan Karin saacadahan u dambeeyey sida COLDOON ma NOQON DOONO SIDII QALBI DHAGAX.
xoriyadiisa haloo soo
, GANACSADE AHMED CISMAN INA GEELA CARAB
maalkiisa iyo nafdiisa ha ku badbaado calanka tawxiidka Somaliland ee uu hoos hadhsanayo waa wadan amaan.lagalma hoosbixi karo.
cabashada madaxtooyada cusub si cadaaladi ku jirto ku maareeya xadhig awood ciidan
maya ha ku diyina waa dadkeenii oo danyara,u rar oo badiil u sameeya yaan
lagu dacatiyin dadka jilicsan.
HADAGAALINE DAA
 WAA DADKAAGII DOQONYOHOW.
ku dadaal
midayenta shacabka somaliland
waa guusha dalka iyo dadkeena.
guul iyo gobanimo
SOMALILAND.
MUWAADIN SOMALILANDER
MUSA AW HASSAN LODOON
AWDALI DUBAI.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker