Soomaaliya oo ku guuleysatay Biladda heer calami ah

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay Billadda Dhaqanka, Suugaanta iyo Farshaxanka dalalka Geeska Afrika, taas oo tartankeedu ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Cabdulahi Maxamed Warfaa ayaa safaaradda Soomaaliya ee dalkaas abaalmarintan ku guddoonsiiyey, ku xigeenkaa maareeyaha wakaaladda murtida iyo madadaalada Soomaaliya.

Billadda Ado award ayaa ah abaalmarin la siiyo dalalka Geeska afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarka muuqda ka sameeyay, arrimaha dhaqanka, farshaxanka iyo suugaanta, waxaana munaasabad ka dhacday magaalada Addis Ababa looga dhawaaqay in Soomaaliya ay ku guulaysatay abaalmarintan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker