MADAXWEYNAHA QANCIN WAAYEY ILMA XASAN DALAB YUU QANCIN KARAA?

Waxaan aad iyo aad ula yaabaa markaan daawado tv-yada ku hadla af somaaliga ama aan booqdo website yadda afsomaliga ku qoran,ee aan ka arko ama ka akhriyo kuwa ka cabanaaya cadaalad daro ay ka tabanayaan dowlada Somaliland amba madaxweynaha Somaliland.
Haddaba waxaan daawaday kuwo aad iyo aad u cabanaya oo marka aad warkooda dhageysato aad is leedahay waar kuwan waa laga gardaranyahay ee maxaa arinkood waxa looga qaban la yahay, inkastoo aan dhinicii waxa laga tirsanayey aanu ka hadal tv-yada oo uu ka aamuso in uu ka hadlo, haday dowlada tahay waxay ahayd in uu soo fadhiisto qof u wakiila oo dadka u sharxa sida ay arinka waxa uga jiraan kana difaaca waxa looga cabanayo dowlada,haddii ay jirtana u qirta dadka khaladka kana raali geliya wixii dhacay.
Haddaba dhowr mar ayaan waxaan ka daawaday tv-yadda dad ku nool magaalada Hargeysa ee Somaliland oo ka cabanay dhul ay lahaayeen oo madaxweynaha Somaliland MUSE ka qaaday oo ka sameynayo madaxtooyo.
Haddaba waxaan wareystay dad badan oo reer hargeysa ah waana aan weediiyey waar reerkan Tv-yada ka cabanaya ee mararka badan aan ka daawaday miyaa la waayey odayaal, aqoonyahan,iyo culimo iyo madax dhaqameed wax ka qabta miyaa la waayey aaway wixii aad dadka somaliyeed dheeraydeen ee la idinku majeeran jiray,WAxaase ay iigu jawaabeen marka dadka dagaanka ku nooli ay is yidhaahdaan xaliya waxaa is hor taaga reerk ay ka dhasheen cida wax sheeganaysa iyo madaxweynaha wax laga sheeganayo oo odhanaya arinkayga anaga ayaa dhameysaneyna ee noo daaya, waana ta ilaa heerkaa mareysa. Waxaa ku soo kordhay oo shalay masaajidka qudbaddii jimcaha kaga hadlay sheekh Adan siiro waana ku mahadsanyahay waana aad gudatay waajibkii ku saarnaa,laakiin waxaan islahaa waxa ka horeyn doona sheekh Abdiraxmaan dheere maxaa yeelay isaga ayaa ka sii xiga madaxweynaha ee waxay ahayd in uu ka hadlo dulmiga cad ee uu sameynayo inta uu ka hadlay garyaqaanka u dooda xuquuqda dadka.Kolkaas ayaan xaqiiqsaday waar ninka ilma xasan dalab la heshiin waayey ma ilma  xasan hugur oo aanay xeer iyo xulfi lahayn ayuu la heshiin karaa, jawaabtu waa sahal oo waa maya, haddaba waxaan lee yahay anigu madaxweynaha ilma xasan dalab qancin waayeye miyuu qancin karaa cid aan aaminsaneyn in uu yahay madaxweynahoodii jawaabta waxaan u dhaafayaa dadweynaha aqriyi doona.
Abdi Abdi
Madoobe2@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker