Madaxweynaha Oo Shalay Dallacsiiyey Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliska

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dallacsiiyey askari ka tirsan ciidanka Booliska, Sidaana waxa lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo, oo ugu horreyn lagu faahfaahiyey ujeedada dallacsiinta askarigan waxaanay u dhigneyd sidan:-

 

“Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-197/092018, waxa uu derajo ciidan oo ah dallacsiin Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, lana siiyey derajada uu mudan-yahay oo ah Xiddigle oo uu madaxweynuhu hore ballan qaad ugu sameeyey mar uu ka qayb-galay qalin-jebintii Jaamacadda Hargeysa”.

Intaasi kadibna, Wareegtadan ayaa waxay u dhigneyd sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Bixin Derajo

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad;

Markaan Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee ay Ciidanku u hayaan dalka;

Markaan Ku Qancay: In bixinta Derajadu ay kor u qaadi doonto milgaha, sharafta iyo haybadda Dawladnimo;

Markaan Tixgaliyey: Hawl-karnimadiisa, Dedaalka iyo Daacadnimadiisa;

Waxaan Go’aansaday;

In aan dallacsiiyo Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax, oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, qaybta nabadgelyada Waddooyinka, lana siiyo derajada uu mudan-yahay oo ah Xiddigle.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker