Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL oo Ka Digtay Isticmaalka Dawo’da Valsartan.

Hay’adda Maamusha Tayo’da Dawooyinka iyo Cuntada ee loo soo gaabiyo (FDA), ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga digaysay dawooyin dhowr ah oo ay ka mid ahayd daawadda Valsartan, in dib loogaga soo celiyo 52-dal oo ay gaadhay dawooyinkaas, taasoo ay ku sababeeyeen in shaybaadhadii lagu sameeyey, ay ku ogaadeen inqaybo ka mid ah dawodan ay ku jirto walaxda kimikal ah ee “ N-nitrosodimethylamine  (DNDMA),  walaxdaas oo keeni karta xanuunka Kanserka ku dhaca Aadamaha.

 

Ka dib, markii uu soo gaadhay war-saxaafadeedkaasi  Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa qaaday hawl-gal ay ku soo ururinayso  dawoddan shirkaddaha ka ganacsadda soo dajinta Dawooyinka.

 

Shirkad ka mid ah shirkaddaha soo dajiya Dawooyinka ee magaceeda la yidhaado,  Balsam (Balsam Pharmaceutical Company)  ayaa ku wareejisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka  3020-kartoon oo ah daawadda Camoval oo ka koobneyd  (Amplodipine 5mg + Valsartan 160mg) iyo (Amplodipine 5mg + Valsartan 80), taasoo, lagu gubay goobaha loogu tallo talagay dawooyinka wakhtiga isticmaalkoodu dhaafa ama xumaada.

 

Dhinaca kale, Af-hayeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane, Cabdilaahi Cabdi Yuusuf, isagoo ka duulaya siyaasadda Daawooyinka caafimaadka u dajisan, ku wargaliyey dhamaan goobaha keydka daawooyinka, goobaha dawooyinka ganacsiga, goobaha adeegyadda caafimaadka gaarka loo leeyahay  iyo Cusbitaaladda, in dib ugu soo celiyaan dawodaas waaxda dawooyinka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

 

Waxa kale oo uu u digay in aanay isticmaalin dadka qaba wadne xanuunka dawodan, waxaanu intaasi ku daray, goobaha adeegyadda caafimaadka gaarka loo leeyahay ee lagu arko iyagoo iibinaaya ay tahay dambi weyn oo ay ku muddan doonaan, in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan, cidii u hoggaasami weyda arrintan.

 

Sidoo kalena, waxa ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku hawlan tahay sidii ay u sameyn lahayd baadhitaano iyo kormeer la xidhiidha dawodaas sidii loogaga xakameeyn lahaa suuqyadda ganacsiga dawooyinka iyo goobaha adeegyadda caafimaadka gaarka loo leeyahay.

 

Tix-raac : War-saxaafadeedka iyo Liiska Daawooyinka https://www.fda.gov/downloads/Drugs/DrugSafety/UCM615703.pdf

https://www.fda.gov/downloads/Drugs/DrugSafety/UCM615704.pdf

https://www.youtube.com/watch?v=sZyZjUjqLgo

https://www.fda.gov/newsevents/newsroom/pressannouncements/ucm613532.htm

https://www.timesofmalta.com/articles/view/20180711/local/over-27000-patients-affected-by-warning-over-valsartan.684072

https://www.fda.gov/downloads/Drugs/DrugSafety/UCM615703.pdf

https://www.fda.gov/downloads/Drugs/DrugSafety/UCM615704.pdf

 

 

Maxamed Faarax Qoti 

Madaxa Isgaadhsiinta Xidhmooyinka Adeegyadda Caafimaadka ee

Wasaaradda Horumarinta  Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker