Ha,add Amnest International oo Warkasoo Saartay Duqayntii Africom ee Somaia

Muqdisho (OWN)– Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnest International ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeedhay taliska Mareykanka ee AFRICOM ee ahaa in laba qof oo rayid ah oo Soomaali ah lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya sanadkii hore oo sidoo kalana lagu dhaawacay illaa seddex qof oo kale.

 

 

Amnest International ayaa si weyn usoo dhaweysay qirashada kasoo yeertay AFRICOM, waxayna ku tilmaamatay inay tahay tallaabadii ugu horeysay ee lagu iftiimiyey dhibaatooyinka loo geystay dadka Shacabka ah tobankii sano oo ay AFRICOM howlgal Militari ka waday Soomaaliya.

 

 

Hey’adda ayaa cadeysay in taliska AFIRCOM aysan weli wax xiriir ah la sameyn, isla markaasna aysan magdhow siin qoysaskii dhibaatada soo gaartay.

“Waa tallaabo wanaagsan in AFRICOM ay siiso qoysaska murugaysan fursad ay ku soo sheegaan dhibatooyinka rayidka iyaga oo adeegsanaya websaydhkooda”ayaa lagu yidhi warbixinta.

“Waa in la helaa habab kale, oo ay ka mid tahay in laga sameeyo magaalada Muqdisho qaab loogu oggolaado odayaasha qabaa’ilka ama wakiillo la soo doortay in ay ku hadlaan magaca dadka rayidka ah ee ay dileen kuwa duqeynta u geystey,  si looga wada hadlo magdhowga qoysaska dhibbanayaasha,” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty.

 

 

Warbixintaa ayaa kusoo aadeyso Xilli Taliska Mareykanka ee AFRICOM in duqeymaha Soomaaliya lagu dilay dad rayid ah.

Warbixin seddax biloodle ah, oo loogu tala galay in si hufan loo baaro wararka sheegaya in dad rayid ah lagu dilay weerarada Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in duqeyn dhacday 23-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2019-kii lagu dilay laba qof rayid.

 

 

 

Sidoo kale warbixinta AFRICOM waxaa lagu sheegay in seddax qof oo kalena oo rayid ah lagu dhaawacay duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Shabeelladha Hoose.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa warbixintan ku sheegay inay aad uga xun yihiin dadka rayidka ah ee ku dhimatay duqeyntaas iyo kuwa ku dhaawacmaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker