Deg Deg Iran oo 15 Gantaal Ku Dhufatay Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee ku Yaala Ciraaq & Khasaare Ka Dhashay

Sweden(OWN)- Dalka Iran ayaa caawa saq badhkii ku dhufta 15 gantaal saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaala dalka Ciraaq, Iran oo sadexdii maalmood u danbeeyey aad ugu hanjabeysey inay ka aargudaneyso dalka Mareykanka kadib markii ay dileen Gen. Qaasim Suleymaani ayay caawa fulisay hanjabaadaa,

 

Gantaaladan ayaa la sheegay inay si toos ah ugu dhaceen saldhigyada ciidamada Mareykanbka ee Ciraaq iyadoo xukuumada Iran sheegatay inay khasaare weyn u geysatay saldhigyadaa & ciidamadii Mareykanka ahaa ee ku sugnaa, Laakiin dhinaca kale Madaxweynaha Mareykanka oo qoraal soo qoray ayaa sheegay in aanay wax khasaare ah soo gaadhin, iyadoo Madaxweyne Trump uu sheegay inuu maanta hadlayo warna uu kasoo saarao weerarka Iran, dhinaca kale xukuumada Ciraaq oo dhulkeeda la isku weeraray ayaan ilaa iminka wax war ah kasoo saarin,

 

Ilaa iminka lama cadeyn karo sheegashada labada dhinac laakiin Xukuumada Iran ayaa mar kale ku hanjabtay hadii Mareykanku soo weeraro oo ay kasoo jawaabaan gantaalahaa inay bilaabayaan dagaal baahsan oo wada gaadha gobolka Bariga Dhexe oo dhan,

 

ilaa iminka warar sugan lagama hayo khasaaraha dhabta ah laakiin waxaanu idiin soo gudbin doonaa wixii warar ah ee kasoo kordha saacadaha soo socda,

 

OodwewyneNews/Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker