Maxaa tallo ah hadii CaronaVirus wadanka yimaado?

Mowjadii Xannuunka CoronaVirus (Covid-19) wali cirka ayay maraysaa. inagana way kusoo dhawaatay gobolkeena; afar iyo labaatan kii saac ee ugu danbeeyay waxa la xaqiijiyay in xannuunku gaadhay Kenya; ugu yaraan qofna ugu dhintay Sudan.

Wadankan, Dowlad iyo Shicib’ba jabaq la’aan layaab leh ayaa jirta. Waxaad moodaa in aynu mariikh ku naalo, oo wararka dhiilada leh ee soo laba dhacayaa aanay inaga in khusaynba.

Waxa Dowlad iyo shacab’ba la gudboon in aynu ka howl galno sidii looga wacyi gelin lahaa dadkeena. Waxaan is leeyahay marka la eego awoodeena dhaqaale iyo farsamo in aynu xooga saaro ka hortaga xannuunka iyo in war sax ah lasiiyo bulshda.

Dhowrkan tallaabo waxaan isleeyahay in ay wax ka tari karaan wacyi gelinta dadka; yarayn karaan wararka beenta ah ee bulshada lagu faa’fin karo; isla markaana ay yarayn karaan cabsida iyo baqaha bulshada ku abuurmi kara.

1. Wasaaradaha Caafimaadka iyo Diintu waa in ay aqoon korosdhi u qabtaan imaamada masaajidada si loo saxo macluumaadka ay ka haystaan xannuunka; iyo si ay fariin sax ah ugu diraan bulshada.

Wadaado badan ayaa ilaa hada dadka ku wacdiya macluumaad qaldan oo ku saabsan xannuunka waana in taas meesha laga saaro oo fariin midaysan ay bulshada gaadhsiiyaan

2. In culimadu dadka u diyaariyaan in hadii loo baahdo la xidhi doono dhamaan masaajidada, malcaamadaha, iyo dugsiyada si loo yareeyo isku soo ururka iyo faafida xannuunka ( Ilaahay inaguma keene)

3. Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada in ay iska kaashadaan sidii dhakhaatiir loogu diri lahaa dugsiyada,gaar ahaan ku wa aadka u balaadhan, kuwaas oo ardayda sharax kasiinaya xannuunkan iyo sida ugu fiican uu looga hortagi karo, astaamaha lagu garto iyo waxa uu yeelayo qofka isaga shakiya in uu hayo xanuunku.

4. In la daabaco waraaqo (posters) laguna dhejiyo gaadhiidhka, dad waynaha, suuqyada waawayn, cusbitaallada, dhamaan goobaha waxbarashada, goobaha lagu caweeyo waxna laga cuno. Waraaqaha oo tallooyin iyo guubaabin siinaya bulshada.

5. Waxaa loo baahan yahay in Wasaarada caafimaadku diyaariso qorshe laga baaraan degay oo lagu howl galo hadii xannuunku wadanka soo gaadho.

Waa xaqiiqo in awoodeena dhaqaale iyo midda farsamoba aad u liitaan, hasayeeshee togba taagtii ayuu rogmadaa. Waa in dowlad iyo shicib’ba loo diyaar ahaato in xaaladu aad u xumaan karto. Hadiiba ay xumaatana waa in dowladu leedahay qorshihii ay bulshadana ku dejin lahayd, xannuunkana ku xakamayn kalayd.

 

Dr-abdikarim D Hassan

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker