Magaalo Somaliland Ah Oo Gudaheeda Laga Mamnuucay Lo’da Iyo Qaadka Oo Meel Gaar Ah Loo Sameynayo & Sababta Keentay

Golaha Deegaanka ee Degmada Burco ayaa go’aano adag ka soo saaray Xoolaha Nool, Qaadka, Billicda, Istaanada Gaadiidka, Waqtiga Gaadiidka Xamuulka ama Alaabta ku rogayaan magaalada gudaheeda.

 

Maayirka Magaalada Burco Mudane Maxamed Muraad, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada iyo go’aamadii ka soo baxay shirkii gollaha Deegaanka waxaanu yidhi, “Gollaha Deegaanka Degmada Burco waxay ansixiyeen marka hore in Xoolaha Degmada gudaheeda jooga in laba loo kala qaado oo Lo’da bishan aynu ku jirno wixii ka dambeeya aan lagu arki karin gudaha magaalada oo dibada looga saaro, Adhigana waxa go’aan lagaga gaadhay in la daaq geeyo oo qofkii Adhi haystaa uu maalintii daaq geeyo habeenkiina soo noqdo”. Maayirku waxa uu intaasi ku daray go’aanka uu Golluhu ka qaatay QAADKA, “Qaadka oo dhibaato aad iyo aad u weyn innagu haya mid nafeed iyo mid dhaqaale ba in loo sameeyo meel lagu kaantaroolo oo xero loo sameeyo”.

 

Maayirku waxa kale oo uu sheegay in Golluhu uu go’aan ka soo saaray Billicda Magaalada Gudaha, “Xildhibaanada Billicda Magaalada Burco ku qoran ama ka shaqeeya iyo Golaha Deegaanka iyo Maamulka Magaaladu waxay isla qaateen in dib looga shaqeeyo Billicdii magaalada, gaar ahaan waddooyinka badhtamaha ku yaalla in olole lagu bannaynayo lagu qaado haddii ay tahay Baabuur taalla iyo Dadka ku ganacsada Kaaryoonlayaasha iyo goobaha Qaadka lagu iibiyo”.

 

Muraad waxa kale oo uu sheegay in Goluhu inuu go’aansaday in la raro Istaanada Gaadiidka, “In la raro istaanka Barriga Somaliland looga baxo oo ah Kafadihii Maxamed Timir oo ay ku jiraan Istaanada Caynabo iyo Qorilugud oo ah ilaa inta u dhaxeysa Cali-Barre ilaa Kefadaha markaa waa in loo raro Kheyriyada iyo taaladaa Sheekh Bashiir dhexdooda si loo yareeyo cidhiidhiga magaalada Burco”.

 

Ugu dambeyntiina, Gollaha Deegaanka Burco waxa uu mamnuucay qayb ka mid ah qaab hawleedka Gaadiidka Xamuulka, “Waxa la mamnuucay oo aan jiri doonin in Baabuurta waaweyn ee ah 15-ka tan ilaa 30-ka tan ah ee maalintii alaabada ku rogaya magaalada gudaheeda, markaa waa in 6:00subaxnimo wixii ka danbeeya aan lagu arag ee waa in habeenkii ay bakhaaradooda ku rogtaan”, Ayuu yidhi Maayirka Magaalada Burco Mudane Maxamed Muraad.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker