Qisadii gabeygii BIRMAGEYDO ee abwaan Xaaji Dalaayad (1956kii) Qalinkii Cabdi Caawiye

Bal aan aaraar laba tuduca ka horeysiiyo ninbaa waxa laga hayey
Dumarna fiid la hadlaayiyo
fudayd way ku baxaan
ragna feedho coloobiyo
ficilka way isku dilaan
1956kii Waxa jirey nin aad u kibir badan oo aan aqoon duragsan lahayn in kastoo uu ingiriiska koorasyo yaryar oo boolisnimo kusoo qaatay iyo isagoo aan fariidnimoba u dhalan lkn ilaahay siiyey xil aad u sareeya oo ahaa serkaaal ka tirsanaa ciidamadii GUMEYSTIHII Ingiriiska gaar ahaan qaybta boliska oo uu ku helay khiyaamo iyo war xumaatashiil uu ninkii ka sareeyeyna uga dhigay nin danta wadanka wada oo dadka aan shaqaysanayn eryaya.
Ninkan waxa la odhan jiray Maxamed Xassan waxaana lagu naaneysi jirey CARAB-DHEERE waxaana loogu bixiyey sida magaciisu uu muujinaayo
Inuu dadka ka hooseeya ee la shaqaynaaya uu wax xun uga sheego ninka haysta ciidanka ee ka sareeya oo ahaa nin fiican lkn aan waligii is odhan CARAB-DHEERE waxan uu dadka ka sheegayo bal eeg inkasta oo uu goor dambe gadaal ka ogaaday wixii uu labaatan sanno dadka ka sheegayey iyo raggii lagu gefey ee birta la dhaafiyey ama shaqadii laga saarey ayna wax dambiya lahayn lkn munaafaqada iyo naara afuufku uu ahaa CARAB DHEERE oo xin iyo xaasid u xumaynaayey.
wax uu socdaba waayadii dambe wuxuu bilaabay odayaashii waaweynaa ee 20-50 sanno iyo dheeraad kasoo shaqaynaayey xeryaha ciidanka ee Hargeysa oo ahaa dadka loo yaqaano BIRMAGAYDADA oo ahaa inuu ku bilaabo hawlihii uu caanka ku ahaa Abwaan Dalaayad oo aad uga cadhooday odayaasha sida uu u galaayo iyo kibirkiisa aqoon laaantu ku dheehantay ayuu gabayga u tiriyey.
Carab-dheere waa ninkii uu Ismacil Mirena gabayayda ku karbaashi jirey.

Nin haduu gaboobo uu wax badan dunida guud joogo
Gadaal buu ka haasaawi jirey geediguu maraye
Gebgeb Ferenji gaadh iyo dedaal gaalo camalkeeda

Abidkiiba guul kalama tago nin u gadh xiiraaye.
Inta inan golyeed iyo nin raga tan isku soo gaadhay
Ee gaadhba gaadh naga bedeley goorahaad timiye

Ninkuu guun ciraystay iyo bideba khayr ka guriwaayey
Waayona garawgii ku cunay jeelkan gudihiisa
Waayona garnaylkii ku sigay gobobkan hoostooda

Is goofaadhintii Caarshe iyo gobodi Caateeye
Ee garanayaan ahay tan iyo Geele haad qoyey.
Gashi laysku sheegtiyo ninkaan godobi qaaxaynin

Ee aan geeridii Aw-darwiish guudka laga saarin
Ee aan sidaa Geydhe Ruxe gubanin jaahiisu
Geestii uu doonaba khalqiga wuu ku gelayaaye

Gidigiinba nimanyahaw bileys gebi ahaantiinba
Hala guro ulaa waa gudoon waase kala gaar
Gaadmiyo ninkaan lagu tuhmeyn gacan fudayd-toona

Ee genna tukubihiisa waa lagu gargaaraaye
Geed baas mid laga keenay iyo garac xun mooyaane
Ma gilgilo duqaytida ninkii uu ka soo go’aye

Cir galgaaley iyo dhulkoo goosi laga waayey
Gudintiyo hangoolada markii guunyo lagu daajey
Dhirtaba qaar malko ah baa jiriyo lama garaacaan

Dadkuna bir mageyduu leeyahay iyo lama guhaadshaan
Sidii baar-qab geel lagu daroo dhibi ku giirgiirtey
Oo geedka Awr daaqo iyo guuxa saninaaya
Oo karinle uu galab eryiyo rimay ka guuleystey

Uu bahal gulaan oo dibjiri meel isugu gaabshey
Uu gudub u riday waa kasyare galabsigiisiiye
Dhaaxuu mid goolaaftamay oo goofay nooyimiye
Adiguna guclada waad yarayn gooshkan dabadii.
Qofkastoo xil dawladeed iyo shaqsiba haya waxa fiican inuu dadka ula dhaqmo si fiican oo is dhul dhig iyo tawdiic ku jiro hadii kale maalin uunbay ku dambarsanaysaa sidii Qisadii Adan Galaydh ee la odhan jirey ADUUN I QATAL oo aan maqaalada dambe idiinku soo gidbin doono.

waxa kale oo aan maqaalada dambe idiinku soo gudbin doonaa qisadii cajiibka ahayd ee GUULEED MA JOOGAA
Qalinkii Cabdi Cawiye
Tel +252634115877

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker