Qarax ka dhacay meel u dhow masjid ku yaala Pakistan oo dad badan ay ku dhinteen

Ugu yaraan 50 qof ayaa dhintay halka 50 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dalka Pakistan, sida uu BBC-da u sheegay mid kamid ah booliska dalkaas.

Qaraxa ayaa jimcaha maanta ka dhacay meel u dhow masjid ku yaala gobolka Bolochistan ee Koonfur-galbeed ee dalkaas, iyadoo dadka ay isugu soo baxeen xuska dhalashada nabi Maxamed NNKH.

Booliska ayaa sheegay in la tuhunsanyahay inuu ahaa qarax ismiidaamin ah oo lagu bartilmaamedsanayay isu soo baxa dalkaas ee magaalada Mastung.

Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa ku dhawaqay xaalad degdeg ah. Dadka ku waxyeeloobay qaraxaas ayaa loola cararay laba isbitaal oo ku yaala dalkaas sida boolisku sheegeen.

Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker