Quraanka gacanta lagu qoray xilligii Rasuulka (SCW) ee yalla dalka aan Muslimka ahayn

Madxaf ku yaal magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska waxaa yaalla saan ka kooban illaa laba bog oo ay ku qoran yihiin aayado Qur’aan ah kuwaas oo sida baaritaanka lagu ogaaday la qoray intii uu noolaa Nebi Muxammed (SCW).

Natiijadii ka soo baxday tijaabada shucaaca ee lagu sameeyay qoraal gacmeedkan wuxuu muujinayaa in la qoray qoraal gacmeedka muddada u dhaxaysa 568 iyo 645 tirsiga miilaadiga, ama si kale haddaan u sheegno, inta u dhaxaysa sannadkii 24-aad ee Hijrada iyo saddex sano uun ka hore dhalashadii Nebiga (SCW).

Taasi waxay ka dhigan tahay sida uu seynisku u arko, in la qoray intii uu Nebigu noolaa.

Baaritaanka ayaa waxaa laga soo diray Jaamacadda Oxford, waxaana la qaaday sanadkii 2014-kii. Natiijadu waxay soo jeedinaysaa in qoraalku dhacay qarnigii ugu horreeyay ee Islaamka, kuna dhow intii uu Nebi Muxamed noolaa oo ah (qiyaastii 570-632) tirsiga miilaadiga iyo xukunkii ugu horreeyay ee khilaafadii saddexaad.

Qoraal-gacmeedku wuxuu ku qoran maqaar khad lagu qoray, waxaana lo qoray farta xijaasiga oo weli si fiican loo akhrin karo. Waxaa ku qoran aayado ka mid ah dhamaadka suuradda Maryam iyo bilowga suuradda ku xigta ee Taha. Waxaa lagu soo bandhigay Jaamacadda Birmingham sannadkii 2015 ka dibna Matxafka Birmingham iyo Gallery Art ilaa 5 Agoosto 2016.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker