Muxuu ku Dambayn doona Mustaqbalka Dalka Ethiopia

Dagaalka Ethiopia wuxuu dhex marayaa Abiy Axmed oo wata ciidankii dowladda Itoobiya iyo maamulka TPLF, oo u taagan tahay Tigray People’s Liberation Front.

 

Waxay ahayd jabhadii Ku Aas aasantay  gadooddii Musiibadii bini’aadamnimo, ee macluusha isu-rogtay, ee ka dhacday Itoobiya Sannadihii 1974-kii. Dhallinyaro u badneyd kuwa jaamacadda Addis Ababa,

Oo uu ka mid ahaa Meles Zenawi,  iyo Kuwo kale oo badan oo iska Tegay waxbarashadoodii, waxayna galeen hawd-ka, si ay jabhad ahaan ula diriraan taliskii sii dhacayey ee Boqor Xayle Selassie,

 

Oo la afgambiyey isla Sannadkaas, taladana ay kala wareegeen saraakiil militari, oo uu horkacayey Gaashaanle Dhexe Mengistu Xayle Maryam.

 

TPLF ayaa ka faa’iideysatay abaartii caanka ahayd, ee ka dhufatay dhulka Itoobiya sannadihii siddeetameeyadii, taas oo wiiqday awooddii taliska militariga Mengistu,

 

Waxaana u suura-gashay TPLF inay aakhirkii soo galaan Caasimadda Addis Ababa bishii May 1991. Waxay halkaas ku sii xoojiyeen isbahaysi ay aasaaseen markii ay hawd-ka ku jireen,

Oo ka kooban afar jabhadood, oo la magac baxay EPRDF (Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front).

 

Xukunkii ayay tartiib tartiib ula wareegeen, waxayna isku ballaariyeen gobollada Itoobiya oo dhan, oo aan markii hore gacantooda ku jirin. Afar sano kaddib, sannadkii 1995-kii, waxay TPLF dalka ku soo rogeen xukun cusub oo ku saleysan federal, kaas oo u suura-geliyey inay ku wiiqaan awooddii gobollada,

 

Oo si dedban looga xukumayey xarunta dhexe ee caasimadda. Xukunka ay ku daaheen muddada dheer ayaa u suura-geliyey in ummadaha kale ee Itoobiya ay u arkaan TPLF .

 

Dagaalka gobolka Tigrey

Kala Fur-furkii TPLF

 

Kala-furfurka TPLF ayaa billowday sannadkii 2012, kaddib markii uu cudurka cancer-ka u geeriyooday hoggaamiyahoodii Meles Zenawi, isla markaana ahaa mufakarkoodii. Is-qabqabsi awoodda xukunka ayaa dhex maray TPLF,

 

Oo laba garab u kala qeybsan. Heshiis daaha-gadaashiisa ah, oo ay dhexdooda galeen ayaa keenay inay isla sannadkaas xukunka u dhiibaan Xaylemaryam Desalegn, oo ka soo jeeda qowmiyadaha kala firirsan, ee deggan koonfurta Itoobiya. Desalegn,

 

Oo ku-xigeen u ahaa Zenawi sannadihii 2010-2012, waxay TPLF-tu u arkayeen inuu yahay nin caana-ma-daadshe ah, wuxuuna noqday nin maqaarsaar u ah TPLF, oo xukunka ka maamuleysay daaha-gadaashiisa,

 

Khaasatan taliskii Ciidammada Xoogga Dalka iyo taliskii Sirdoonka, oo ay madax ka ahaayeen laba nin oo ka tirsanaa TPLF.

 

Desalegn, wuxuu ku dhex-haftay is-qabqabsi sii socday, oo u dhexeeyey TPLF-ta dhexdeeda iyo TPLF oo dhinac ah iyo dhinacyada kale ee EPRDF. Waxaa sii xoogeystay cabashadii dadka Oromadu ay qabeen, ee ahayd inaysan wax awood ah ku lahayn hoggaanka dalka.

 

Iyada oo cabashadaas ay taagan tahay ayaa waxaa aakhirkii 2014 dhacay mashruucii Master Plan, ee la damcay in magaalada Addis Ababa loogu sikiyo daafaha magaalada, oo dhinac kasta kaga xadhiidhsan dhulka Oromada, ee hoos taga is-maamulka Oromada.

 

 

 

Arrimahaas waxay sii nusqaamiyeen qarbabooshnimadii uu Desalegn ku sii talinayey, wuxuuna aakhirkii dareemay culeyska haysta, isaga oo ku dhawaaqay inuu is casilay bishii Febraayo 2018.

 

Shirar xidhiidh ah oo dhex maray EPRDF ayaa dhaliyey in la isku mari waayo cidda loo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha. Laba bilood kaddib, heshiisyo hoose oo dhex maray labada urur ee Oromada iyo Amxaarada,

 

Oo ka mid ah afarta urur ee ka wada tirsan EPRDF, ayaa waxaa ku soo baxay Abiy Axmed inuu noqdo Ra’iisal Wasaaraha cusub.

 

Ma sugin waqti dheer, ee wuxuu Abiy Axmed billaabay inuu cafiyo mucaaradkii dalka dibaddiisa ku noolaa, ee ay xukunka ‘argagixisanimada’ ku sunteen TPLF.

 

Waxaa la cafiyey kuwii siyaasadda ugu xirnaa xabsiyada. Laba bilood kaddib, 7-dii June 2018, wuxuu xilalkii ay hayeen ka tiriyey Taliyihii Ciidammada Samora Yonis iyo Taliyihii Sirdoonka Getachew Assefa.

 

Laba usbuuc kaddib waxaa la isku dayey in la dilo 23 June 2018. Isku-dayga dilkiisa waxay dhalisay caro xoog leh oo keentay inuu Abiy Axmed wax badan ka beddelo is-bedelladii xowliga lahaa ee uu ku socday.

Waxaa la billaabay in gacmo adag lagu qabto cid kasta oo lagu tuhmo inay ka horjeeddo, ama qalqal-gelinayso qorshayaashiisa.

Dagaalka hadda maxaa soo dedejiyey?

 

Inkasta oo la sii wada ogaa in Abiy Axmed iyo TPLF ay foodda is-dari doonaan, mar ay noqoto, haddana dagaalka hadda socda waxaa soo dedejiyey kaddib markii uu Abiy ku dhaqaaqay laba arrimood: (1) doorashadii guud,

Ee la wada sugaayey inay dhacdo sannadkaan bartamihiisa, oo uu dib u dhigay, kuna sababeeyey faafitaanka caabuqa Covid-19, iyo (2) isaga oo sameystay xisbi cusub oo la yiraahdo Prosperity Party.

 

Abuurista uu abuuray xisbiga cusub, wuxuu Abiy ku kala daadiyey isbahaysigii EPRDF, oo ahaa kan ay awoodda xukunka Itoobiya ku ilaashato TPLF. EPRDF, oo la baa bi’iyey,

 

 

Wuxuu macnaheedu ahaa in la baa bi’iyey sallaankii ay TPLF dib dambe xukunka Itoobiya ugu soo fuuli lahayd. Labada arrimood-ba, wey cambaareyeen TPLF, waxaana u soo baxday in sida keliya ee ay xukunka dib ugu soo noqon karto ay tahay xoog iyo dagaal.

 

Iyadoo oo ay xaaladdu sidaas halista ah u cakiran tahay ayaa TPLF waxay ku dhaqaaqday laba arrimood, oo sii dhabqiyey xasaraddii taagneyd: (1) TPLF waxay qabanqaabisay doorasho-ku-sheeg been ah, si ay awood xoog leh ugu muujiso Abiy Axmed iyo shacabka Tigreegu uu iyadu taageersan yahay, iyo (2) TPLF oo weerar ku qaaday Qeybtii Waqooyi ee Ciidammada Itoobiya.

 

 

Duullaanka ayaa noqday marmarsiiyadii uu doonayey Abiy Axmed inuu ku baa bi’iyo TPLF. Isla habeenkii saldhigga qeybta la weeraray, wuxuu subaxeedii shir jaraa’id ka shaaciyey in TPLF ay soo gudubtay waxa uu ugu yeeray khadkii guduudnaa (red line).

Qasaaraha Dagaalka

Dagaalku wuxuu waxyeelleeyey awooddii dhaqaale ee gobolka Tigray, oo TPLF ay soo dhisayeen muddo soddon sano ah. Waxaa la burburiyey buundooyin,

 

Waddooyin iyo kaabayaal dhaqaale. Burburka gobolkaas gaaray, labada dhinac, wuxuu midba midka kale ku eedeeyey inay iyagu mas’uul ka yihiin. Burburka gobolka ka socda weli waa uu sii socdaa, dadkuna waa sii silcayaan,

 

qax xoog leh ayaana sii socda, dadka qaxayana waxay galayaan xuduudka galbeed ee dhanka Sudan, oo ah meesha keliya ee u furan. Sababta Sudan oo keliya ay ugu furan tahay TPLF waxay tahay iyaga oo markii hore la diriray cid walba, sida waqooyiga oo ay deris kala yihiin Eritrea,

 

Amxaarada oo ay deris kala yihiin koonfurta, iyo Canfarta oo ay deris kala yihiin bariga. Illaa qarnigii sagaal iyo tobnaad, Tigreegu waxay xitaa duulaan ku ahaayeen Suudaan iyo cid walba oo deris la ah.

 

Dagaalka hadda ka socda, xitaa haddii uu Abiy Axmed ku adkaado, ma jirto wax weyn oo laga macaashi doono. TPLF, oo mar kale isu rogtay jabhad, waxaa la wada saadaalinayaa inay buuraha geli doonaan, khibraddii ay lahaayeen ee jabhadnimo ayayna dib u isticmaali doonaan. Gaar ahaan, waxay dagaalka ka beddeli doonaan midka tooska ah (conventional war),

 

Iyagoo u beddeli doona ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq (guerrilla war). Inay sidaas damacsan yihiin, waxaa muujiyey gantaallaha ay ku rideen magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, iyo gantaallaha kale, ee ay ku garaaceen gobolka Amxaarada.

 

 

Doorka Dowladaha Deriska ah 

 

Dowladaha deriska, illaa iyo hadda, si toos ah uguma jiraan dagaalka. Tusaale, dowladda Mareykanku waxay bogaadisay sida dowladda Eritrea, oo ay TPLF weerar gardarro ah ku qaadeen, ay isu xadiday oo aysan uga jawaabin weerarrada gantaallaha,

 

Ee lagu soo qaaday. Sidaas oo ay tahay, Eritrea waxay taageero niyadeed (moral support), mid siyaasadeed iyo mid sirdoon la daba-taagan tahay Abiy Axmed.

 

Si kastaba, haddii la isu deyn lahaa Abiy Axmed iyo TPLF, dagaalku wuxuu noqon lahaa mid sii daba-dheeraada, oo aan lagu kala bixin. Marka la qiimeeyo hubka ay TPLF haystaan iyo wixii ay urursanayeen sannadaha badan,

 

waxay la diriri karaan Abiy Axmed iyo ciidanka Itoobiya ugu yaraan hal sano. Guud ahaan, dagaalkani ma ahan mid si sahlan ku soo afjarmi doona.

 

Laakiin, in la saadaalinayo in dagaalku uu dhaqso ku soo afjarmi karo, waxaa keenaya TPLF oo geesaha laga hareereeyey, meel walbana ay ka xidhan tahay. Xilligii Mengistu, waxay TPLF guusha weyn ee xukunka inay qabdsadaan ku gaareen iyagoo ku dhuuman jiray dhulka Eritrea,

 

oo ay iskaashan jireen jabhaddii kale ee Eritrean Liberation Front (ELF), oo uu hoggaaminayey Isaias Afwerki. Laakiin, TPLF gabbaad kale ma haystaan haddeer. Juqraafiga Suudaan-na, ma ahan mid caawinaya iyaga, waayo waa dhul saxare u badan, oo aan lagu dhuuman karin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker