Kooxda Man United Oo Qarka u Saaran inay Hanato Laacibka Mazut Ozil

Kooxda Manchester United ayaa la filayaa inay lacag badan ku Kharashgareyso suuqa kala iibsiga bisha Jannuary iyadoo diirada ku haya xiddigo waa weyn oo wax weyn ka bedeli kara kooxdooda.

 

 

Red Devils ayaa la soo saxiixay Bruno Fernandes bishii Janaayo ee sannadkan, waxayna doonayaa inay xiddigo isaga ku tayo ah soo xerogeliyaan bisha Jannyary ee soo socota.


Jariirada The Sun ayaa qortay shan xiddig oo ay Manchester United la soo wareegi karto bisha Janaayo.

Xiddiga ugu horeeya ee Man United diirada u saaran waa daafaca dhexe ee kooxda RB Leipzig Dayot Upamecano iyadoo 22 jirkaan sida weyn loo qiimeeyo lagu heli karo 40 milyan ginni.

 

Daafacan ayaa Loo arkaa inuu ka garab ciyaari karo kabtan Harry Maguire.

 

Man United ayaa sidoo kale weli ka quusanin saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho iyadoo Red Devils ay ku guuldareysatay saxiixiisa xagaagii,

 

Laakiin waxay u laaban doonaan bisha Jannuary iyadoo xiddiga Ingariiska uu qaab ciyaareed aan joogta aheyn ku soo bandhigo Jarmalka.

 

Xiddiga khadka dhexe ee Aston Villa Jack Grealish oo ay Saxaafada Ingariiska si weyn u buunbuunineyso ayaa lala xidhiidhinayaa Man United .

 

Iyadoo 25 jirkaan lagu qiimeynayo lacag aad u sareysa oo ay Red Devils awoodi karin haatan.

 

 

United ayaa sidoo kale ku Riyooneysa inay Old Trafford dib ugu soo celiso Cristiano Ronaldo kaasoo haatan ka ciyaaraya Juventus,

 

Laakiin waxaa dhibaato ku noqon doonta mushaharkiisa oo gaaraya 540 kun ginni isbuucii.

 

 

Man United ayaa sidoo kale isha la raaceysa xiddiga ay Arsenal kooxdeeda ka saartay ee Mesut Ozil kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga danbe.

 

Ozil ayaa doonaya inuu baaqi ku sii ahaado England, sidaasi darteed wuxuu u hayaami karaa Old Trafford bisha Jannuary  haddii Gunners ay lacag jaban ku iibineyso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker