Mareykanka oo qaati ka taagan weerarada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadaan Maraakiibta shisheeye

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Arbaca ah lagu wadaa inay u codeeyaan qaraar qabyo ah oo uu Mareykanka u soo gudbiyay, kaasoo lagu cambaareynayo weerarrada ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen maraakiibta ganacsi ee ku sugan Badda Cas, waxayna dalbanayaan in si degdeg ah loo joojiyo.

Mashruucan qabyada ah, oo nuqul ka mid ah ay heshay wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa sheegaya in weerarrada ay bilaabeen Xuutiyiintu ay caqabad ku yihiin ganacsiga caalamiga ah “ayna wax u dhimayaan xorriyadda iyo xuquuqaha socdaalka, iyo sidoo kale nabadda iyo ammaanka gobolka.”

Qaraarkan qabyada ah ayaa ku baaqaya in si degdeg ah loo sii daayo markabka xamuulka ah ee Galaxy Leader, kaasoo ay laga mamaulo Japan, xiriirna la leh shirkad Israa’iili ah, waana markabkii ugu horreeyay ee Xuutiyiinta ay gacanta ku dhigaan isaga iyo shaqaalihii la socday 19-kii bishii November.

Iyadoo aan la xusin Iran, oo ah taageeraha ugu weyn ee Xuutiyiinta, ayaa qaraarka qabyada ah waxa uu cambaareynayaa dhammaan heshiisyada hubka ee lala galo fallaagada ku xad gudubta cunaqabateynta caalamiga ah ee uu ku soo rogay golaha ammaanku.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker