Shirkii Wadamada Carabta oo Noqday, Shimbira yahaw Heesa, iyo Madaxweynaha Falastiin Oo Xidhiidhka U Jaray Maraykanka iyo Israel.

Madaxwqeynaha Falastiin Mahmoud Cabbaas Abu Maazin ayaa sheegay inuu Xidhiidhka u jaray Dawladdaha Maraykanka iyo Yuhuuda, isla markaana uu ka baxay dhamaan Wadahadaladii Nabada bariga dhexe, isagoo Maraykanka ku eedeeyey in uusan Daacad ka ahayn Arrinta Falastiin.

 

 

Cabaas ayaa hadalkan ka sheegay shir deg deg ah oo Wadamada Carabta uga furmay Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaasoo looga arrinsanayo tallaabada Maraykanku qaaday ee ku saabsan arrimaha Falastiin.

 

 

Madaxweyne Trump ayaa soo bandhigay qorshihiisii mudada dheer la sugayey ee nabadaynta Bariga Dhexe kaasoo dhigaya in magaalada Qudus noqoto caasimada Israel ee aan qaybsamin, isagoo soo jeediyey in Falastiiniyiintu yeeshaan dawlad madax bannaan iyo in loo aqoonsado goobaha Yuhuudda lagu degaameeyey ee Daanta Galbeed in ay yihiin qaybo ka mid ah dhulka Israel.

 

 

Maxamuud Cabbaas ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in kulamo badan la qabto si loogu wargeliyo bulshada Carabta mowqifka carabta ee ku aadan sidii looga hor tagi lahayn qorshaha Mareykanka.

“Taariikhda ii geli meyso inaan iibsaday magaalada Qudus iyo dhulka Falastiin Waxaan farriin u diray dhinacyada Maraykanka iyo Israell, waxaana idiin sheegayaa laga bilaabo maanta wax xiriir ah oo inoo dhexeeya uusan jirin maadaama Donald Trump uu dhankiisa ka baxay heshiisyadii aanu wada galnay” ayuu yiri Maxamuud Cabbaas Madaxweynaha Falastiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker