Ciidamada Milatariga Somalia oo sheegtay inay Laayeen Saraakiil ka Tirsan Ururka Alshabaab

Marka (OWN) – Ciidamada   dalka Somalia  ee Danab iyo Gor-Gor oo si wada jir ah u howlgalaya ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay Deegaanada Jilib-Marka iyo Gendershe oo hoos  taga degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

 

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saraakiisha Hogaamineysay ciidamadaas waxa ay sheegeen in qorshuhu Yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa dhulka xeebta ee u dhaxeeya Deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho iyo degmada Marka.

 

 

Taliyaha guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabaka Sida u sheegay in ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen ay ku dileen laba sarkaal oo Al-Shabaab u Qaabilsanaa Deegaanada xeebta dhaca ee maanta ay ciidamadu la wareegeen.

 

 

Taliyahaa ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha laga dilay Al-Shabaab lagu kala magacaabo Xeroow iyo Ciise Yare, haatana ay ku raad joogaan sarkaal kale oo lagu magacaabo Shuceyb Fanax, kaas oo kamid ah hoggaamiyaasha sare ee Al-Shabaab u qaabilsan dhulka xeebta ah.

 

 

Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gor-Gor ayaa haatan waxay deegaanadii ay la wareegeen ka wadaan howlgallo baaritaano ah oo ay ku xaqijinayaan ammaanka, sida uu sheegay Taliyaha ka warbixiyey howlgalladaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker