Taliska Booliska oo markii ugu horreysay ka hadlay dilka Shaqaalihii Hormuud

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka hadlay qaraxii galabnimadii Axadda duleedka Magaalada Muqdisho lagu la eegtay gaarigii ay la socdeen lix ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Hormuud, oo gebi ahaanbtooda ku naf waayay qaraxaasi, isagoo dhanka kalena sheegay in natiijada horudhaca ee baaritaanka lagu ogaaday in falkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyada Al Shabaab.

Qaraxan oo horey loogu sii diyaariyay waddada ayaa lala beegsaday gaariga shaqaalahan oo marayay deegaanka Garasbaaley, iyadoo dhammaan lixdii qof ee gaarigaasi la socotay ay goobta ku wada dhinteen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa maleeshiyada Shabaabka ku eedeeyay in ay iyagu yihiin cidda dishay shaqaalahaasi, inkastoo aysan weli maleeshiyadu sheegan masuuliyadda qaraxaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay inaysan ahayn wax ku cusub in Shabaabku ay si toos ah u bartilmaameedsadaan dadka haldoorka u ah bulshada Soomaaliyeed.

“Ma ahan wax nagu cusub in kooxaha nabadiidka ahi ay si toos ah u beegsadaan indheergaradka bulshada Soomaaliyeed, mana ahan wax dhegaha ummadda Soomaaliyeed ku cusub in ganacsatadii iyo dadkii indhaha u ahaa bulshada, marna samafal u ah in la beegsado.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska oo la hadlay VOA ayaa hoosta ka xariiqay in tani ay soo dedejineyso in bulshada Soomaaliyeed ay ku baraarugto dhibaatada ay ku hayso Al Shabaab.

“Tani waxay keliya soo dedejineysaa oo hormuud u noqonaysaa in bulshada Soomaaliyeed ay garato dhibka ay Shabaab ku hayaan ummadda Soomaaliyeed, taana waxaa daliil kuugu filan wixii ka dhacay Garasbaaley oo Shaqaalaha Shirkadda Hormuud oo u socda inay bulshada Soomaaliyeed u adeegan, hadday internet, isgaarsiin iyo samafal tahay inay caawiyaan ayagoo u socda in miino lala beegsado macnaheedu Hormuud ma ahan inay dowladda u shaqeyso, Hormuud-na kama tirsana shaqaalaha rayidka ee dowladda, mana ahan askar u adeegta dowladda, balse waa shirkad ganacsi oo ummadda Soomaaliyeedna ay ka heshay, wixii ay u baahneyd.”

Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xusay in xogta horudhaca ee baaritaanka ay muujineyso in qaraxaasi uu yahay mid ay gaysatay Al Shabaab.

“Ganacsatada Hormuud iyo horumarka dalka cid kaloo la dagaashan oo aan ognahay ma jirto.” Ayuu yiri Afhayeenka oo hadalkiisa ku xoojiyay “Qaraxaasi, sida gaariga loo beegsaday, ficilka la sameeyay iyo habka loo maray, waxaa ka muuqanaya raadadkii kooxaha Khawaarijta lagu yaqaanay.”

Afhayeenka ayaa ku waramaya in Shabaabku ay muddooyinkanba handadaad ku hayeen ganacsatada, iyagoo ka doonayo lacago aan sharci ahayn iyo inay kaamirooyinka amniga ka furaan goobahooda ganacsi.

Afhayeenka ayaa sheegaya inay hadda wadaan qorshe ay isugu xirayaan amniga magaalada iyo daafaheedaba, si gacan bir ah loogu qabto ammaanka, loogana hortaggo dembiyada abaabulan.

Marka laga soo taggo in hay’adaha ammaanka ay ku foogan yihiin baaritaanka dhacdadan, haddana illaa iyo hadda ma jirto cid ay ciidamadu u soo qabteen falkan lagu dhibaateeyay Shaqaalaha Shirkadda Hormuud Telecom.

Muqdisho iyo meelo kale oo ka baxsan ayaa muddooyinkii ugu dambeysay qaraxyo lagu la beegsanayay Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo xarumahoodaba.

Qaraxyadan ayaa gaystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed intaba leh, mana jirto cid illaa iyo hadda loo maxkamadeeyay, qarax illaa qarax kale.

Weeraradan soo noqnoqday ee muddooyinkanba lagu dhibaateynayay Shaqaalaha Hormuud ayaa imanaya, xilli ay ka soo reynaysay xaaladda amni ee Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker