Raiisul wasaarihii hore ee Somalia oo Maanta Loo diiday inuu ka Dhoofo Muqdisho

Hoggaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay ciidankii Raysal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu dhisayay saddexdii sano ee lasoo dhaafay in ay udiideen inuu Muqdisho ka dhoofo.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in ciidamada hadda jira loogu talo galay arrimo siyaasadeed in loo adeegsado islamarkaana dowladda federalka kula dagaalanto cid kasta oo aan ku jirin xayndaabkooda.

 

 

“Waxaa la ii sheegay in Airpor-ka lagu celiyay Ra’iisulwasaarahii hore Hasaan Ali Kheyre oo isbaaro loogu dhigtay. Ciidanka uu saddex sano dhisayay oo Ku faani jirtay, hadday Jidka Isbaaro u dhigteen kawaraama, Soo ma ahan wuxuu isagu horey u sameeyay,” ayuu yidhi hoggaamiyaha wadajir.

 

 

CCC, wuxuu sheegay in aysan dowladda federalka fahansanayn in ciidamada loogu talo galay inay sharciga iyo dastuurka ilaaliyaan lagana dhex bixiyo arrimaha siyaasada, taasoo uu sheegay inay dowladnimada caawinayso.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya iyadoo ay soo baxayeen warar ku saabsan in maalintii shalay Xasan Cali Kheyre laga hor istaagay inuu garoonka Aadan Cadde ka dhoofo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker