Wasaaradda Qorsheynta Somaliya oo Qorshaha Horumarinta Qaranka La-tashi Kala Yeelatay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliya

Muqdisho(OWN):-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DFS Amb.Jamaal Maxamed Xasan, Agaasimaha Qorsheynta Asad Yuusuf Qanyare iyo madax sare oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa maanta kulan la tashi ah oo ku saabsan qorshaha horumarinta qaranka ay xafiiskiisa kula yeesheen guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.
Kulanka oo socdey muddo saacado ah, ayaa ay madaxda Wasaaraddu waxay halkaas ku soo bandhigeen warbixin la xidhiidha qorshaha horumarinta qaranka ee 9aad, waxyaabaha u soo qabsoomay iyo waxyaabaha qabyada ka ah ee oo ay la tashi kala sameynayaan, gaar ahaan ku dhaqanka sharciga, kor u qaadidda hay’adaha garsoorka iyo weli ba siddii loo heli nidaam cadaaladdeed oo dhammeystiran.
Agaasimaha Qorsheynta Asad Yuusuf Qanyare, soo jeediyey warbixintaasi, ayaa sheegay in qorshaha horumarinta qaranka ay hore la tashiyo uga la soo sameeyeen Maamul-goballeedyada dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada isla mar ahaantaana ay soo qoreen baahiyahii kala duwanaa ee ka jiray dalka, waxaana uu carabka ku dhuftay inay qorshahaas ku soo koobeen saddex ahmiyaddood oo kala ah ku dhaqanka sharciga iyo siyaasad loo dhan yahay, korodhka dhaqaalaha iyo amniga.
Dhinaca kale, waaxda Maal-gashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, ayaa iyagu na dhankooda waxa ay halkaas ku soo bandhigeen warbixin la xidhiidha qorshahooda ku aadan siddii dhiiri-gelin looggu sameyn lahaa Maal-gashadeyaal dalka ka hir-geliya Maal-gashi kor u qaada heerka dhaqaale ee dalka, waxaana ay guddoomiyaha Maxkamadda la tashi kala sameeyeen siddii loo heli lahaa sharciyad iyo weli ba diyaarinta ku dhaqanka sharciga si Maal-gashadayaashu ay ugu soo dhiiradaan dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in Wasaaradda Qorsheyntu ay la tashiyo kala soo sameyso qorsheyaasha horumarinta iyo Maal-gashiga ee dalka, waxaana uu carabka ku dhuftay in qorshaha horumarinta qaranku uu ahmiyad weyn u lee yahay bahda Garsoorka ee dalka oo uu sheegay in ay baahi weyn u qabaan siddii horumarin looggu sameyn lahaa isaga oo halkaas ka soo jeediyey talooyinkiisa ku aadan qorshaha horumarinta qaranka, gaar ahaan baahiyaha kala duwan ee ay qabaan ka garsoor ahaan .

 

 

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, smiling, suitImage may contain: 2 people, people sitting and suitImage may contain: 3 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people sitting and eyeglassesImage may contain: 1 person, smiling, shoes and indoorImage may contain: 2 peopleImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and suitImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 2 people, people sitting and suitImage may contain: 1 person, sitting, table and indoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker