Dhegayso: Ra’iisul wasaare Khayre oo Xadhiga ka jaray Dayactir Lagu Sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Baraawe

Baraawe (OWN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaadhay gudaha magaalada Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Khayre iyo wafdigiisa waxaa magaaladaasi ku soo dhoweeyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo mas’uuliyiin kale.

 

Intaasi kadib Ra’iisul wasaaraha ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Baraawe oo dhawaan dib udhis ballaadhan lagu sameeyay, lana casriyeeyay qeybta ay diyaaraha ku soo degaan, kuna duulaan ee (Run Way).

 

Sidoo kale waxaa munaasabadda xadhig jarka goobjoog ahaa, Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka, kuwa Maamulka  K/Galbeed iyo wafdi ka socda Ururka Midowga Yurub.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ay magaalada isku geedaameen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Garoonka Baraawe oo muddo burbursanaa waxaa gacan weyn ka geystay dib  dayactirkiisa Ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageera Soomaaliya.

Warkaas Oo Dhamaystiran Halkan Hoose Ka Daawo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker