Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Wasaaradda Degaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Ku Wareejisay 12 Harimacad

wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xarunta wasaaraddaas kusoo bandhigtay 12 Harimacad oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo lagasoo qabtay degaanka Ceel-La helay .

 

12 Harimacad oo ay saddex kamid ahi dhinteen,kuwaas oo ay wateen laba qof oo aanay ciidamadu ku guulaysan in ay gacanta kusoo dhigaan, waxaana markii Harimacadadan lasoo gaadhsiiyey magaaladda Hargeysa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay wasiirka wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare , Agaasimaha waaxda Duurjoogta ee wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga  Cabdinaasir Xuseen Siciid iyo Taliyaha watay ciidamadii gacanta kusoo dhigay Harimacadadan Gaashaanle Maxamed Axmed Saleebaan.

 

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa uga mahadcelisay Taliyaha Ciidamadaasi gacanta kusoo dhigay Harimacadkan iyo ciidamada Military-ga Somaliland ee hawshan qabtay, iyada oo tilmaantay in ciidamadu ay soo gaadhsiiyeen 12 Harimacad oo saddex kamid ahi dhinteen, kuwaas oo lagala baxaayey dalka, waxa ay wax lala yaabo ku tilmaantay  in ragga Harimacadkan lagu qabtay ay yihiin kuwo hore xukun ugu dhacay laakiin lasii daayey .

 

waxa kale oo ay wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare sheegtay in ciidamada hawlgalkan sameeyey uu kala qayb qaatay muwaadin iskii isku xilqaamay oo gaadhiga lagu soo qabtay Harimacadkan isagu shidaal ku shubay , iyada oo tilmaantay wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare in Harimacadkan laga keenay degaanadda Lughaya,Cabdigeedi iyo Jiidaha ku xeeran.

 

Taliyaha watay ciidamada soo qabtay Harimacadkan dalka laga saaraayey Gaashaanle Maxamed Axmed Saleebaan ayaa oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in Harimacadkan la geeyey goobo ku yaala degaanka Ceella helay , halkaas oo nimanka ugaadhsanaayey u direen dad shacab ah oo ku ilaaliya, markii ay ciidamadu ogaadeena ay goobta ka baxsadeen.

 

ugu dambayna Agaasimaha waaxda Duurjoogta ee wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga  Cabdinaasir Xuseen Siciid ayaa sheegay in wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer Miyigu ku hawlan tahay sidii loo ilaalin lahaa duur joogta, waxaanu intaas ku daray in ay waqtigan wasaaraddu gacanta ku hayso oo la tacaalayso 30 Harimacad oo sifo sharci daro ah hore loogu soo qabtay iyo sagaalkan maanta lasoo gaadhsiiyey wasaaradda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker