Wadanka Romaaniya oo ay mudaharaadyo Xoogani gilgileen.

Dibadbaxyada ballaadhan si ay uga qayb qaataan, cadhadoodana ay u muujiyaan waxaa dalka ku soo qulqulaya qurbajoog tira badan oo u dhashay dalka Rumaaniya.Waa arrin muujineyso iney ruuxaneso rumaaniya.

Mudaharaadyada Romaniya ka socda oo sii ballaadhay

Carada shacabka ayaa waxay timid kaddib marki uu hoggaanka xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga uu xilka ka qaaday madaxa xeer ilaaliyaha ka hortagga mususqmaasuqa ee dalka, Laura Codruta Kovesi.

Xeer-ilaaliyaha waxaa lagu soo eeddeeyey iney u dhaqantay si awooddeeda ka baxsan, sawirka dalkana ay waxyeelleysay. Iyada oo la sheegay iney baaritaannadeeda si gaar ah ugu bartilmaameedsaneysay xubno ka mid siyaasiyiinta iyo ganacsatada dalka.

Muddada ay xilka haysayna waxaa kordhay tirada xukunka dhacaya iyada oo tillaabadaasina midowga yurub uu ku ammaanay.

Guddoomiyaha xisbiga midigta-dhexe Klaus Lohannis wuxuu isku dayay xil ka qaadista xeer ilaaliyaha inuu ka hortago balse ugu dambeynti bishi july ayuu saxiixay in xeer ilaaliyaha xilka laga qaado, isaga oo sheegay in looga hanjabay haddii uu saxiixi waayo in la dilayo.

Sanadki hore, iskuday uu sameeyey xisbiga Social-Dimocrat inuu meel mariyo amar ah in falalka musuqmaasuqa qaarkii aan dambi laga soo qaadin taasoo keentay mudaharaadyo ballaadhan iney dhacaan ilaa ay dhacdo dowladdi shuuciyadda 1989-ki.

Boqollaal kun oo shacab ayaa waddooyinka dalkaasi isugu soo baxay. Iyaga oo si aad uga cadhooday Hoggaamiyaha xisbiga Social Democrat Liviu Dragnea oo ay u arkaan inuu shaqsi ahaan uu tallaabbadan ay faa’ido u tahay, Xisbigiisuna uu taageeray.

Hase yeeshee, tani iyo marki ay ku dhaqaaqeen iney isbeddello sameeyaan waxay cambaareyn weyn kala kulmeen xeerka ciqaabta ee ay hoos u dhigeen, iyaga weliba ku hanjabay iney faragelinayaan madaxbannaanida laamaha garsoorka.

Baaritaan ay sameeyeen kooxda arrintan u ololeeyneysa oo la yirahdo Transparency International waxay sheegeen inay Rumaaniya ka mid tahay afarta dal ee ugu musuqmaasuqa badan waddamada ka tirsan Midowga yurub.

Iyada oo la sheegay iney Rumaniya ka sii liitaan oo keli ah waddamada Hungary iyo Bulgaria.

Xigasho:- BBC Somali News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker