Garsoore Hor-istaagay Xayiraaddii uu Madaxweyne Trump Ku Soo Rogay Tiktok

Garsoore Carl Nichols ayaa amar ku bixiyey in si ku meel gaadh ah loo joojiyo xayiraadda la saaray in la soo dejisto App-ka TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha

App-ka TikTok ayaa xayiraad lagaga soo rogay dhanka Apple App Store iyo Google Play si aan loo soo dejisan.

Balse dadki xayiraadda ka hor soo dejistay oo hore u isticmaali jiray App-ka TikTok ayaa la sheegay iney saameyneyn.

Balse qofka Mareykanka ku sugan haddii App-ka TikTok uu damco inuu cusbooneysiisto ama uu markale soo dejisto uma suuragaleyso maadaamaa la manuucay.

Garsoore Carl Nicholas oo ka tirsan maxkamadda degmada Columbia ayaa Axaddi shalay ahayd soo saaray amar ku meel gaardh ah uu ku hor istaagaya manuucidda maamulka Trump uu saaray TikTok.

Wuxuuna garsooraha sheegay amarkaasi inuu u soo saaray si uu xuquuqdiisa iyo xuquuqda dadka kale ay leeyihiinba u ugu difaaco.

Garyaqaanno dowladda Mareykanka u dooda ayaa xayiraadda App-ka TikTok ku tilmaamay mid lagaga hortagayo App-ka maadaamaa uu u adeego Xisbiga Shuuciga ee dalka Shiinaha (CCP).

Amarka garsooraha u bixiyey ayaa ku soo beegmaya toddobaad kaddib marki App-ka kale ee Shiinaha laga leeyahay WeChat xayiraad la mid ah lagu soo rogay.

Saraakiisha sare ee Washington ayaa ka walaacsan in shirkaddani ay xogta isticmaaleyaasha dalkeeda Mareykanka u gudbin karto dowladda Shiinaha, waa ay se beenisay shirkadda ByteDance.

Barnaamijkan la iskula wadaago muuqaallada gaab-gaaban ayaa ku haysta dalka Maraykanka macaamiil gaadhaysa 80 Milyan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker