Somaliland Oo Laga Helay 46 Qof Oo Qaba Xanuunka COVID-19

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo si maalinle ah usoo saarta warbixinta iyo xaaladaha cusub ee xanuunka Covid-19 ee laga helo  ayaa maanta ku dhawaaqay in ay 46 qof  oo cusub ka heshay xanuunkaas.

 

Waxa xanuunkan u geeryooday siday masuuliyiinta caafimaadku tilmaameen hal qof oo kamid ah 46-kan qof ee xanuunka laga helay , sida uu warbaahinta u sheegay madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland.

Waxa uu masuulkani sheegay in xanuunka laga baadhay 133 qof labadii cisho ee ugu dambeeyey, kuwaas oo 46 kamid ah laga helay xanuunkan.

Dadka xanuunka laga helay ayaa 40 qof rag yihiin ,halka ay 6-da kalena dumar yihiin, waxaanay 19 kamid ah dadkani joogaan magaaladda Hargeysa, 19 qof oo kalena waxa ay ku sugan yihiin magaaladda Berbera, magaaladda Borame waxa iyaguna jooga 4 qof , iyada oo 4 qof oo kalena ay degmada Lawyacado joogaan.

Dadka dhintay ayaa ah hal qof  oo xanuunkan u dhintay, kaas oo da’diisu ay ahayd 86,taas oo tiradda guud ee xanuunkan u dhimatay ka dhigaysa 27 qof.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker