HABARBAA ISKA HAWHAWLEE HEELADA INOO TUMA

Ugu horrenyn waxa aan ku odhan lahaa WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SL , masuulka dawladeed ee wanaagsani, waa ka ixtiraama sharciga , waa ka ixtiraama shacabkiisa, maaha mid difaaca qaladaadka , sharci darrada iyo gaboodfalada Dawladaha hoose , mana aha in uu la yimaado habdhaqan noociisu yahay HABARBAA ISKA HAWHAWLEE HEELADA INOO TUMA.

Dhibaatooyinka haysta Dawladdaha Hoose ee dalka, door wayn ayay ku leedahay Wasaaradda Arimaha Guduhu, waayo, waxay ay lumisay waajibaadkeedii shaqo ee ku aadannaa Dawladaha Hoose . Waxa ka mid ah masuuliyaadka ay ka seexatay:
Dawladda Hoose ee Hargaysi waxay dhaqan galisaa miisaaniyada iyada oon Wasaaraddu ansixin.
Wasaaraddu marka ay magacawdo Xoghayaha Fulinta , uma sheegto doorkiisa iyo waajibaadkiisa shaqo; walaw WASIIRKABA aan loo sheegin marka la magacaabo qeeximihiisa shaqo iyo xayndaabka awwoodihiisa sharci. Taasi waa ta keentay in Xoghayaha Fulinta Hargaysi Gacan-yare u noqdo Maayirka , oo uu lumiyo awoodaha sharci ee maamulka maaliyada, shaqaalaha, xakamaynta kharshiyaadka , maamulka dhulka iyo danta guud. Bal eeg Xabaalaha Dabada Caddaada ee la dhisanayo (Ilaahay idiinma naxariisto), Waar sharci aadame hadaad ka baqi waydeen , sharci ilaah ma ka baqi waydeen!!!!Culimo fashilantay, Wasaaraddii awqaaftu fashilantay, tii hawlaha guud fashilantay!!! Iska daa midnooloo, mid-dhintay ayaa idinka baxsanwaayay. Waar MAYD RAAMSADE AYAAD TIHIIN
Wasaaraddu waxay lumisay dabagalka mashaariicda iyo heshiisyada ay DHH la gasho ee sharciga baalmarsan.
Hanti-dhawrka dalku maaha mid liita uun ee waa mid aad iyo aad u liita, kana liita DHH iyo Wasaaraddaba, qaybna ka ah musuqa jira.
Maanta hayadaha dawladu iyo dawladaha hoose waa qaar ku dhisan Dano-Gaar ah oo la wadaago, iyadoon loo aabo yeelin dawladnimo, sharci iyo danqarntoona.
Agaasimaha guud ee maamulka iyo dawladdaha hoose iyo agaasime waaxeedka horumarinta gobolada iyo degmooyinku , waa kuwo ku fashilmay shaqadooda la xidhiidha dawladaha hoose . Xil-gudashadoodu waa mid ka hoosaysa 0%. Iyaga kuwaasu dad hortood ayay dhintiin . Maqaaxi ay leeyihiin ayay u haystaan xilka ay hayyaan, waayo, cid ayyaan la xisaabtamin.
Haddaba haddii idinka oo masuuliyiintii dawladda ihi, aad xalaashataan sharcidaro , musuqmaasuq iyo ku tagrifalka awwoodaha; maxaa u diidaya shacab waynaha REER HARGEYSA IN AY U DHAQMAAN SIDIINA OO KALE . ADEERO ANNAGUBA WAANU NAQAANAA SIDA LOO MATALO FILMAANTA KHAAKHDA AH.
Maaha inaad ka dhiishaa dhaansataan. Annaguna aanu markhaati ka ahaanu . Wallaahi laftaa dhuuxdaanba waanu dhuuxaynaa. Waar niyaw sidan dalka u dhaama !

 

DAL-BA’ OW YAA KU LEH,

Cawaale Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker