Xisbiga Waddani oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Imaanshiyaha Hargeysa ee Yusuf Garaad

In madaxdii dalka aynu jaarka nahay ee madax-bannaanideena inuga haysta dalkeena loo fasaxo waxay lafajab ku tahay qadiyadeena iyo dareenka shacab weynaha JSL.
Imashada iyo joogitaanka Yuusuf Garaad oo xil u haya maamulka xamar ka jira waxay meel ka dhac ku tahay shuhudeheenii xoriyadda umadda naftooda u huray, kuwii ku dhaawacmay iyo halgankii dheeree oo uu majaahidiintooda kow ka ahaa maxruumkaynu shalay aasnay Maxamad Ibrahim Warsame “HADRAAWI” . Abwaan HADRAAWI Somalinimada iyo qaddiyadda iyo aayo ka taliska umaddani wey u kala soocnaayeen waana ayaan darro in aaskiisa lagu soo gabbado laguna buriyo mabaadiidii ay umaddu isku ogayd.
Dhan kasta oo loo rogo waxay arintaasi diraysaa fariin lid ku ah hadafka iyo himillada shacabweynaha JSL. Hadal iyo murti waa xad iyo albaabo ay xukuumaddan uu Madaxweyne Muuse Biixi hogaaminayo doonayso in ay furto waananu ka soo hor jeednaa. Waa khiyaamo qaran ee shacabku ha ku baraarugo inta aanay “wado halaq” noqon. ” Sidaas waxa yidhi Xoghayaha Warfaafinta – xisbiga WADDANI
Maxammud Aadan Jaamac “Galaal”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker