Hogaamiyeyaasha Labada Kuuriya Oo Si Kadis ah Ku Kulmay

Hogaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku kulmay soohdinta u dhaxeysa labada dal.

Kulankaan ayaa noqonaya kii labaad oo dhaxeeya Moon Jae iyo Kim Jong-un.

Waxa uu kulanka ku soo beegmay iyadoo ay labada dhinac wadaan dadaallo ku aadan in dib loo soo celiyo kulanka u dhaxeeya madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Khamiistii aanu soo dhaafnay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa joojiyay kulankaasi oo loo balan Sanaa in uu qabsoomo 12-ka bisha Jun ee foodda inagu soo haysa, balse markii dambe ayaa la sheegay in weli uu dhici karo kulankaasi.

Wadahalka madaxweyneyaasha labada Kuuriya ayaa ka dhacay dhanka tuulada Panmunjom truce, sidaasi waxaa sheegay xafiiska Mr Moon.

Mr Moon ayaa subaxa Axadda ah ku dhawaaqi doona natiijada ka soo baxda wadahalkaasi. Haddii ay qabsoomaan wadahadallada u dhaxeeya Mr Trump iyo Mr Kim waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii gacanka kuuriya looga baabi’in lahaa hubka nuclear-ka iyo didii loo dejin lahaa xasaradaha haatan taagan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker