Hogaamiyahii Oromada Jawar Mohammed oo Xabsiga U Hoyday Iyo Rabshado Hor leh.

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa xalay gil-gilay qaraxyo waaweyn oo is xigxigay, xilli ay caasimadda Addis la ciirciireyso mowjado dibadbaxayaal ah oo rabshada wada, kuwaas oo ka dhashay dilkii habeenkii Isniinta bartamaha Addis Ababa loogu geystay heesaagii caanka ahaa ee Haacaaluu.

 

Dab badan ayey waxyeelo ka soo gaartay qaraxyadaas sida laga soo xigtay Taliyaha ciidanka booliska Itoobiya ee magaalada Addis Ababa, “Waxaa dhintay qaar ka mid ah kuwii qaraxa aasay iyo dad kale oo shacab ah,” waxaa sidaas yiri madaxa booliska Endeshaw Tasew.

Taliyuhu ma bixin faahfaahino intas ka badan waxaana isi-soo taraya khasaaraha ay sababayaan dibadbaxyadu, ku dhawaad 10 qofood ayaa ku geeriyootay magaalada Adama oo 90-KM u jirta Addis Ababa, ku dhawaad 100 kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray.

 

Guryo iyo gaadiid ayaa dab la qabadsiiyey, Internet-kii dalka oo dhan ayaa hawada laga saaray, dad badan ayaa xabsiga la dhigay booliskuna waxay isku khilaafeen qaabka loola dhaqmayo dibadbaxayaasha xoogga loo adeegsanayo.

Heesaaga uu dilkiisa ka dhashay dibadbaxani waxa uu ka soo jeeday qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana lagu magacaabi jiray  Haacaaluu Hundeesaa. Waxa uu ku caan ahaa kicinta dad weynaha, isaga oo ku soo caan baxay kicinta dibadbaxyadii sababay in Ra’iisul Wasaare Abiy xaafiiska yimaado laba sano ka hor.

“Ma aysan dilin oo kaliya Hachalu. Waxay toogteen wadnihii Qowmiyadda Oromada, mar kale.Waad na dili kartaan dhammaan, marna nama joojin kartaan, marnaba” waxaa sidaas Facebook-giisa soo dhigay Jawar Mohammed.

Intaas kadib ciidamada boolisla Itoobiya ayaa xiray Jawaar Maxamed iyo Garba Bekele, kuwaas oo labaduba ka mid ah hoggaamiyeyaasha Oromada ee sida weyn uga soo horjeedaa siyaasadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker