Maxaa Ka Jira In Walaaca Laga Qabo Inay Xidhmaan Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera

Haaamihii Kaydka Shidaalka Qaranka ee Berbera ayaa la sheegay inay qarka u saaran yihiin inay xidhmaan,kuwaas oo ay la soo daristay xaaladda addag, isla markaana loo baahan yahay in tallo Qaran laga yeesho.

Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera ayaa la sheegay inay caqabado baddan ku gadaaman yihiin xilligan,kuwaas oo ay kamid yihiin mid dhaqaale darro oo la soo daristay,halka Haamaha qaarkood ay u baahan yihiin in la dayac tiro,maddaama wakhti hore la sameeyey iyo caqabada kale.

Xildhibaan Barkhad Hurriye oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa war-bixin uu Golaha la waddaaga kaga hadlay arrintaas waxaanu sheegay sidan:-“kaddib kullan ay noogu faah-faahiyeen taariikhda haamaha iyo dhismayaasha waxa nooga muuqatay in is beddel hoos u dhac ahi uu ka muuqdo Haamaha Kaydka Shidaalka,kuwaas oo ku dhaw inay xidhmaan Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranku .”

Xildhibaan Barkhad ayaa waxa kale oo uu sheegay in maamulka Hamaaha Kaydka shidaalka Berbera ay u sheegeen Xildhibaannada in dakhliga Hamahu uu hadda maray halkii ugu hoosaysay “Sida ay tilmaameen masuuliyiintu sannadadii ka horeysay 2019-kii miisaaniyadoodu waxay u dhaxaysay saddex milyan oo dollar ila afar milyan oo dollar ,halka sannadkii 2019 bishii jeenawari ilaa aktoober ay ku dhacday hal milyan afar boqol iyo sagaal iyo afartan kun oo dollar,halka sannadkan aynu ku jiron aad arkayso hoos u dhaca ku yimi ,waxa u soo xarooday uu yahay saddex boqol iyo saddex iyo lixdan kun oo dollar ($363,46500 ),taas oo aad u muujinaysa in Haamihii Kaydka shidaalku ay cidhiidhi baddan ku jiraan,haddii aan tallo Qaran laga yeellana ay dhawaan xidhmi doonnaan .”ayuu yidhi..

Dhanka Kalene Xildhibaan Barkhad Hurre ayaa caqabada haysta Haamaha ku sheegay inay yihiin kuwan”Caqabadaha markaas haysta waxay ku tilmaameen,maddaama ay Haamuhu da’ahaan gaboobeen waxay u baahan yihiin in la dayac tiro oo la kordhiyo wax qaad kooda,dhulkii Haamaha lagu ballaadhan lahaa oo aan jirin oo ay ku xeeran yihiin dayrar dad gaar ahi leeyihiin khatarna gellin karra,Haamaha iyo dadka deggan aagga Haamaha,dekadda cusub oo sida maareeyuhu sheegay u soo durkaysa 400Mitir (afar boqol oo mitir) dhanka galbeed iyana waxay xanibtay beebkii shidaalka u soo qaadi jiray Haamaha Kaydka.”

Isagoo intaas ku darray “Waxa kale oo jira oo iyana oo dakhligooda hoos u dhigay Haame kale oo gaar loo leeyahay,kuwaas oo shirkaddii gaarka ahaa ee shidaalka keeni jiray ay u wareegeen,waxa kale oo isna cidhiidhi gelliyey shidaalka kootarabaanka ah ee xadadka ka soo gellaya oo samayn ku yeeshay dakhligii ka soo xaroon jiray Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka .”

Geesta Kalene Xildhibaan Barkhad Hurre ayaa sheegay in caqabada haysta Haamaha ay kamid yihiin kootada isticaamlka Haamaha loo xidhiya Shirkada Trafigura,taas oo keentay inay shirkaddii shidaalka keeni jiray ay u wareegeen oo ay isticmaalaan Haamaha kale ee gaarka loo leeyahay “Sidoo kale waxay sheegeen in 50% (boqolkiiba kotan) mugga Haamaha Kaydka shidaalka loo xidhay shirkadda la yidhaah Trafigura,taasina ay caqabad ku tahay shirkaddihii gaarka loo lahaa ee keeni jiray shidaalka ee k u shuban jiray Haamaha ”

Waxa uu intaas ku daray “Waxa kale oo ay sheegeen in aanu jirin xeer lagu maamulo Hamaha Kaydka Shidaalka Qaranka Gole ahaana ay innaga sugayaan.”

Ugu Dambeyn Xildhibaan Barkhad Hurre ayaa war-bixintiisa uu Golaha Wakiillada ka horjeediyey ku taliyey in loo baahan yahay in Haamaha Kaydka shidaalka arrinkooda laga yeesho tallo Qaran,isla markaana lagu sameeyo dayac tir iyo dib u haybayn ballaadhan,waxaanu soo jeediyey in heshiiska Dawladda ay la gashay Shirkada Trafigura loo baahan yahay in Golaha la horkeeno.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker