Murashaxiinta Somalia ee 2021 Keebay Wadataa Dawladda Qatar
Dowladda Qatar ayaa markii u horeysay iska fogeysay inay Taageerayso Musharax gaar ah Doorashada soo socota ee Dalka Somalia ka dhacaysa Sannadka Dambe.
Xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inay Dawladda Qaageerayso Madaxweynaha Soomaaliya ee Wakhtigan Xilka Haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Xasan Xamse Maxamed ayaa Warbaahinta U sheegay in dowladiisu aysan marnaba ka qeyb qaadan doonin Doorashada Soomaaliya,
Iyada oo taageeraysa musharax gaar ah oo ay wadato, sida uu hadalka u dhigay
Waxa kale oo uu beeniyay in lacag malaayiin doollar ah ay xukuumadiisu ku maal-gelisay Doorashadii Somalia ee uu ku soo baxay madaxweyne Farmaajo,
Waxaana Jira Dhinacyo Hore ugu eedeeyay Dawladda Qatar inay Faraha la Gasho Doorashooyinka Somalia
“Taasi run maaha, eedeyntaasi wax sal leh maaha, kamana badna ku-turi ku-teen ujeedkeedu yahay in lagu sumcad tiro doorka wanaagsan ee dowladda Qadar ka ciyaarayso Soomaaliya
Waxaana lala wada socdaa inay jiraan dhinacyo lidi ku ah Qatar oo ka shaqeynaya faafinta ku-turi ku-teenta,” ayuu yiri Safiirka Qatar ee Somalia.
Safiirka ayaa ku dooday in Qatar ay qeyb weyn ka qaadaneyso Xisiloonada Soomaaliya, isla markaana aysan faro-gelin ku hayn arrimaheeda gudaha oo ay kamid tahay doorashada.
Hanti dhowrihii hore ee qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa dowladda Qatar ku eedeyay inay doorashadii madaxweyne Farmaajo ku maal-gelisay lacag dhan 8-Milyan oo dollar,
Sida uu Warbaahinta ugu Waramay.
Waxa uu sheegay in lacagtaasi loo adeegsaday laaluushka xildhibaanadii afar sanno ka hor doortay Farmaajo,
Isla markaana loo isticmaalay sidii uu kusoo bixi lahaa, isagoona xusay in lacagahaasi ay dalka kasoo galeen dhanka Airpordhads oo aanay soo marin hanaanka maaliyada.
Dowladda Qatar ayaa inta badan la sheega inay xidhiidh hoose oo saaxiibtinimo la leedahay madaxda sarre ee dalka,
iyada oo Siyaasiyiinta mucaaridku ay la xidhiidhinayaan inay qeyb ka tahay xidhiidhka sii xumaanaya ee Villa Somalia la leedahay dowladda Imaaraadka, taasi oo si madax-banaan u cadeyn karin Caasimada Online.