Maxaa u Sabab ah in Beesha Caalamku ka Biyo diido Nuuca Doorasho Ee ay ku Heshiiyeen DF iyo Maamul Goboleedyada.(Akhriso)

War Saxaafadeed kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in ay ka xun yihiin nuuca doorasho ee ku heshiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadu.

 

Beesha Caalamka ayaa qoraalka kasoo baxay lagu sheegay in Hanaanka doorasho ee la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka .

 

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

 

Saaxiibada beesha caalamka waxay garwaaqsan yihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF), heshiiskaas oo la Xidhiidha geedi-socodka doorashooyinka 2020/21.

 

Waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF, waxayna saaxiibadu fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo.

 

Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay.

 

Iyadoo la eegayo mustaqbalka, saaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaaro dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan guddiga adeegga garsoorka iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyadoo ay barbar-socdaan dadaallada lagu horumarinayo dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah iyo in la xaqiijiyo dhowridda ballanqaadyada caalamiga ah ee khuseeya xuquuqul insaanka. Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan khariidad/tub ay la socdaan bartilmaameedyo qeexan, oo ay ku heshiiyaan madaxda siyaasadda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumar demoqoraadiyadeed dhab ah/la taaban karo oo horay loogu sii socdo.

 

Saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan madaxda DFS iyo DGXF inay sii wadaan kulamada joogtada ah iyagoo yeelanaya wadahadal iyo isu-tanaasul si wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran leh, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadda loo dhanyahay.

 

Dalalka Warsaxaafadeeska Warsaxaafadeeska saaray ayaa waxaa ay kala yihiin Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Japan, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker