Guri ku yaalla dalka Bangladesh Oo Dab Qabsaday Kadibna Ay Ku Geeriyoodeen 70 Qof

Dab ka kacay guri ku yaalla qaybta qadiimiga ah ee magaalada Dhaka ayay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof.

Dabka ayaa Arbacadii ka kacay dhismo deegaan ah oo qayb ahaan la dhigay waxyaabo kiimiko ah, Dabkaas oo markii danbe ku faafay dhismayaashii ka ag dhawaa, sida ay tabiyeen warbaahinta gudaha.

Waxaa laga yaabaa in dabku uu markii u horraysay ka billawday gaaska wax lagu karsado, ka hor inta uusan ku sii faafin qaybtii ay kiimikadu taallay, sida uu sheegay Cali Axmed oo ah madaxa waaxda dabdamiska.

halkan hoose ka daawo muuqaal ka mid ah kuwa lagasoo duubay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker