Qaramada Midoobay Iyo Dowladda Federaalka Oo Hal Arrin Iska Kaashanaya

Hay’addaha QM iyo Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay shalay bilaabeen Talaalka Cuddurka Daacuunka oo socon doona muddo hal isbuuc ah, oo ka soo bilaabantay  bishan 22-dii ilaa 28-da.

Ilaa 650,000 oo qof ayaana la filayaa in la siiyo Tallaalkaasi, kuwaasi oo ku nool Degmooyinka khatarta ugu jira inuu Cuddurka Daacuunku  dib uga dillaaco, wuxuuna qorshuhu yahay inay shaqaalaha caafimaadka maalintiiba tallaalaan 150-qof.

Dadka la tallaalayo ayaa la sheegay inay da’dooda u dhexeyso hal sano iyo wixii ka badan, si looga hortago cuddurkaasi bulshadda aadka u nugul.

Wasiirka Caafimaadka ee Somalia, Fowziya Abikar Nuur ayaa sheegtay inuu cuddurka Daacuunka weli ka mid yahay khataraha ugu waa weyn ee caafimaadka dadweynaha.

Hadal-qoraal ah oo laga soo saaray Muqdisho ayey ku sheegtay inay haatan hayaan micnaha iyo xalinta cuddurkaasi loogu  af-jari doono Somalia, iyadoo xustay inay kala shaqeyn doonaan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Daneeyayaasha kale sidii Loo badbaadin lahaa Nolosha dadka, loogana hortegi lahaa cuddurkaasi ee xilliga dheer.

Sida laga soo xigtay Hay’adda WHO, Somalia waxaa laga soo sheegay 1,041 Kiisas la tuhunsan yahay Cuddurka Koleeraha tan iyo markii uu dillaacay bishii Janaayo ee sannadkan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay jirto hal dhimasho oo lala Xidhiidhinayo cuddurkaasi oo ka dillaacay 25 Degmo oo kaabiga ku haya Jiinka webiyadda Shabelle iyo Jubba ee Koonfurta Somalia.

Sannadkii 2017-kii, Somalia waxaa soo wajahay mid ka mid ah dilaacii ugu weynaa cuddurkaasi ee Taariikhda, iyadoo la diiwaan geliyey 78,784 Kiis, oo ay ku jiraan 1,159 dhimasho, sida ay Hay’adda WHO shaacisay.

Sannadkii 2018-kii, Somalia waxaa lagu arkay hoos-u-dhaca Kiisaska Cuddurka Daacuunka ee lala xiriiriyo dhimashadda, waxaana sannadkii hore la soo weriyey 6,448 Kiis oo ay ku jirto 45 kiis oo dhimasho ah.

Wakiilka Hay’adda WHO u jooga Somalia, Mamunuur Raxmaan Maalikwaxa uu tilmaamay in ay QM weli ka go’an tahay sidii Somalia looga dhigi lahaa dal ka madax bannaan mustaqbalka cuddurka Daacuunka ama Koleeraha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker