Madaxweynaha Hirshabelle Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada.

Jawhar-(OWN)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada waxaana hadda ka socda xarunta madaxtooyada Hirshabelle ku dhowaaqista golaha cusub ee Wasiirada.

Madaxweyne Waare ayaa hore u sheegay in uu dhisayo dowlad ka kooban xildhibaano iyo xubno kale oo laga soo xulay beelaha dega Hirshabelle.

Xildhibaanada Wasiirada laga dhigay ayaa ahaa kuwo mucaarad ku ahaa Madaxweyne Waare oo horay Mooshin uga geeyay, balse markii dambe laga laabtay.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ah maamulka ugu fadhiidsan marka loo eego maamulada kale ee dalka, waxaana la sheegaa in Wasiirada aanay xafiis laheyn, isla markaana badankood ku shaqeeyaan Hotelada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker