Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay ‘duqeynta Laascaanood’

Mid ka mid ah odeyaasha dhaqanka ee gobolka Sool ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay Somaliland garab ku siinayso duqeynta Laascaanood.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu qabtay Nayroobi xalay, isaga oo si gaar ah u tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre.

“Xukuumadda maanta jirta, afka ka dhowri mayno, waxaan ognahay oo isa soo taraya in iyadu garab ku siinayso Somaliland duqeynta Laascaanood,” ayuu yiri Garaadka.

Dowladda federaalka ah weli kama falcelin eedeynta loo jeediyay. Horey se, waxay dhowr mar ugu baaqday wada-hadal iyo xabad-joojin, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay Muqdisho qaar ka mid ah odeyaasha dhaqanka Sool.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker