Nin Muslim ah oo loo fasaxay inuu gubo kitaabada Towraadka iyo Bible-ka balse sameeyay arrin layaab leh

Ahmad Alloush, ayaa sheegay in ujeedadiisu ay ahayd in uu canbaareeyo kuwa kutubta xurmada leh sida Qur’aanka kariimka ah ku guba wadamada Waqooyiga Yurub.

Stockholm, Sweden nin la filayey inuu ku gubo Tawreed iyo Baybalka bannaanka safaaradda Israa’iil ayaa ka tanaasulay qorshahaas, wuxuuna qabtay mudaaharaad ka dhan ah kutubta barakaysan.

Ahmad Alloush, oo 32 jir ah, ayaa sheegay inaanu waligiis ku talo jirin inuu gubo kitaabada.

Kaddib waxa uu la soo baxay kitaab qur’aan ah oo uu ku naqdiyay dhacdooyin hore oo lagu gubay kitaabka islaamka gudaha Sweden.

“Haddii aad rabto inaad dhaleecayso Islaamka, taasi waa caadi”, ayuu yiri. Laakin gubida Qur’aanka “ma ahan xoriyatul qawlka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maxkamadaha Sweden ayaa horey u fasaxay in la gubo maadaama ay dastuuriyan ilaalinayaan xuquuqda isu imaatinka, hadalka iyo banaanbaxyada.

“Tani waxay jawaab u tahay kuwa gubay Qur’aanka xorriyadda hadalka ayaa xaddidan,” ayuu yiri Alloush.

“Dadka waan ka caraysiiyey,” ayuu qirtay mar la waydiiyay falcelinta wararka sheegaya in qof uu qorsheynayay in uu ku gubo Tawreed iyo Baybalka Stockholm. “Hadda way faraxsanaan karaan”, ayuu yiri.

Alloush ayaa sheegay in uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Suuriya, balse uu Sweden ku nool.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker