SHIRKA GARXAJIS WUXUU KU SOO BEEGMAY GOOR SOMALILAND AANAY GARXAJIS KA MAARMIN OO DHINAC KASTA ISBEDELO CUSUBI KA SOO WAAJAHEEN SOMALILAND.

XUKUUMADDII uu Madaxweyne SIILAANYO ka XANUUNSADAY xiligeedii Somaliland way ayaan darayd oo waxay ku soo dhamaysatay HANTI guud boob, Musuqmqasaq, talo aruur iyo habreed iyo qabyaalad hanti boobka loogu gabanayey. AWR HEERYADIISA cuna gud ha dilee waayaha dambuu KURUSKU HOOLMAA. Xukuumaddii SIILAANYO wuxuu wadankii ku shalay cudur dilaaya oo malaggii Somaliland ah oo Jeegaan la iyo ama Suul-Cawro. Doorashadii khayr ka la moodayey waxay ahayd ama noqotay KIRGIRE DABA ISU DHIIB. Maanta Madaxweyne Muse Biixi waxaa hor yimi dhinac kasta weji cusub oo siyaasadeed oo aad u qadhaadh, hadday tahay Dhinaca Ethiopia, hadday tahay Dhinaca Dawladda Federal ka ah oo isbedel weyn ka socdo, Puntland oo faro kulul ku haysa Muse iyo Xukuumaddiisa qasnadaha Somaliland oo SIILAANYO xaalafuyey hantidii guud ee Somaliland oo shakhsiyaadka aan naxayn qacanta loo geliyey oo maanta Xukuumadda Muse ay talo ku caddaataa. Welaygay caqligayga may gelin Puntland baa kaga oohin doonta dawladii Somaliland. Waxaad arkaysaa Suleiman Gaal oo ooyaaya oo leh waar dagaalka nagadaaya. Muse Biixi oo wax Allah wuxuu yeelo garanla. Garxajis oo Dawladdii meel uu ka difaaco ba kaga jirin oo suuqa JOOGA, reerihii kale oo badankoodu la mida oon Dawladda ka muuqan, waa sababta Puntland ay u leedahay waxaan la dagaalamaynaa oo jebinaynaa JEEGAANTA. Halkaa liidato Somaliland waxaa dhigay SIILAANYO iyo Xukuumaddii uu ka xanuunsaday.

Maanta SHIRKA GARXAJIS WUXUU KU SOO beegmay waqti loo baahan yey in Somaliland israacdo oo hantidii guud badankeeda GACANTA dawlada lagu soo CELIYO si wax la isga celiyo, qabaailka la walaaleeyo oo JEEGAANTA meesha ay ka baxdo haddii la yeeli waayo oo shirkaa Garxajis la diido talada ka soo baxda waxay noqonaysaa Xukuumadaa labada reer ee jeegaanta la baxay inay la tacaasho siyaasada a cusub, dagaalada TUKA-RAQ iyo meelo cusub ka bilaabmi doona, hawada oo la inaga xidhay oo madaarada inoogu dhowi noqonayaan Djibouti iyo Adis a papa oon la hubin xaalkeeda.
Xaaladdu wey adagtay Dhinaca siyaasadda waxay gebogebo tahay laba mid uun in Somaliland isku tashato iyo in Jeegaantu isku tashato mid seddexdaa ma jiro.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker