Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Agaasimayaal Musuq Lagu Eedeeyay Oo ka Tirsan Degmada Gabilay.(Akhriso)

Somaliland ayaa Xabsiga u taaxabtay Agaasime waaxeedyo ka tirsan degmada Gabilay, kuwaasoo uu ku socdo baaritaano dhinaca musuqa ah.

 

 

Wararku waxaa ay sheegayaan in Hanti Dhawrka Guud uu Shalay Iyo Maanta Baadhitaan Ka Waday Xarunta Maamulka Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley ayaa Maanta oo Khamiis ah waxay Xabsiga utaxaabeen sida la sheegay Agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale, waxaana lasoo sheegayaa in shaqaalaha la xiray horay dabagal loogu hooyay, haatanna uu baaritaan ku socdo.

Shaqaalahan La Xidhay Ayaa Kala Ah:

 

 

(1)Agaasimaha Waaxda Maaliyada Iyo Maamulka Iyo Lacagta Ee Dawlada Hoose

 

(2)Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada

 

(3)mushaarbixiyaha Dawlada Hoose

 

(4)Masuulka Bixiya Shidaalka Dawlada Hoose

 

Sababaha keenay in la xiro shaqaalaha iyo Agaasimayaasha ayaa lagu sheegay Baadhitaanada ay Hanti-Dhawrku Ka Wadeen Xarunta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley, iyadoo xabsiga la dhigay tuhmanayaal uu baaritaan ku socday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker