Nabadoon Caana oo lagu dilay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (OWN) – Faah faahino dheeri ah ayaa  laga helayaa dil qorsheysnaa oo xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Muqdisho.

 

Toogashadan oo ka dhacday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa Loogu geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Xaaji Shahid Kheyr-Doon.

 

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa ka dambeeyey dilkiisa, kuwaas oo rasaas ku furay, xilli uu ka soo baxay Masjidka Saaladii Cishe kadib.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableydii fulisay Toogashada ay goobta isaga baxsadeen, siday inoo xaqiijiyen ilo deegaanka ah

 

Ciidamo ka Tiran kuwa Ammaanka ayaa sidoo kale gaadhay meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baadhitaano kooban ka sameeyey halkaasi.

 

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhacdadaasi.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii Dhaqtar Xasan Xaayow oo caanka ahaa Yaaqshiid lagu dilat xaafadda Suuq-Bacaad ee degmadaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker