Dhaqaatiir Ka Qeyb Qaadanayay Dibadbaxyada Ka Dhanka Ah Xukuumadda Sudan Oo Xabsiga La Dhigay.

Khartoum-(OWN)-Saacado ayaa boolisku waxa ay dadkan ku kala eryayeeen gaaska dadka ka ilmeysiiya iyada oo saraakiisha dhar cada ah ay ceyrsanayeen kumanan dibadbaxayaal ah kuwaasi oo socod ku marayay wadooyinka Bahri ee ku dhaw waqooyiga caasimada Khatruum.

Midowga dhaqaatiirta Sudan ayaa sheegay in gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo rasaas lagu furay gudaha isbitaal ku yaala halkaasi.

Midowga dhaqaatiirta oo marwalba dhaleeceeya dowladda Sudan ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo soo daayo in ka badan 12 dhaqaatiir ah kuwaasi oo lagu xidhxidhay intii ay socdeen howlgalo booliisku ka fuliyeen dalkaasi Sudan.

Xasarado dhaqaale ayaa sababay dibadbaxyo balaaran oo guud ahaan qabsaday dalka Sudan taasi oo loo arko halistii ugu weyneyd ee soo wajahda xukunka madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo dalka soo maamulayay ku dhawaad 30 sano.

In ka badan 800 oo qof ayaa la xidhxidhay tan iyo bishii lasoo dhaafay kooxaha xuquuqul insaanka ayaana sheegaya in ugu yaraan 40 qof oo mudaaharaad sameynayay la toogtay.

Dad badan oo reer Suudaan ah ayaa hadda doorbidaya in ay lacagahooda gashadaan barkinta hoosteeda halkii ay ka dhigan lahaayeen bangiyada dalkaasi.

Haddii dadku ay lacagta dhigaan bangiyada, waxa ay ka baqayaan in ay adkaato in ay dib u helaan maadaama ay maran yihiin makiinadaha ATM-ka loo yaqaan ee bangiyada yaal ee lagacta lagala baxo.

Bangiyada yar ee lacagta laga heli karo ee gudaha magaalada Khartuum ayaa waxaa caadi ka noqday safaf dhaadheer oo ay dadka ugu jiraan bangiyada.

Waxaa mararka qaar dhacaya in xitaa haddii xilli dambe aad shaqada ka timaadid ay tahay in aad saacado sugtid in aad gaartid daaqadda foornada rootiga lagu sameeyo, ka dibna lagu yirahdo waa uu dhammaaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker