Suldaan Saleebaan Oo Maanta Lagu Xidhay Magaaladda Hargeysa.

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan , Ayaa Xabsiga Loo Taxaabay Maanta. Kadib Markii Ay Go’aamiyeen Beesha Bariga Hargeysa Degtaa Xidhigiisa.

Suldaan Saleebaan Ayaa Dhawaan Dhaawac Gaadmo ah U Geystay Xildhibaan Ahmed Nour Guruje Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland.

Beeshiisa Cabdalle Isaxaaq Care (Habar Yoonis), Ayaa Maanta Shir Ay Isugu Yimaaddeen Magaaladda Hargeysa Ku Go’aamiyey In Si Dhakhso Loo Xidho, Isla-markaana Talaabo Sharciga Waafaqsan Laga Qaado Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Oo Aan La Xidhin Intii Muddadda Dhowr Cisho Ahayd Ee Uu Dhaawac U Geystay Xildhibaanka kadib.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker