Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid go’aan ka soo baxay Midowga Afrika

Dawladda  Federaalka Soomaaliya, ayaa si cad uga hortimid war ka soo baxay Midowga Afrika, oo ku saabsan in Ciidamada AMISOM la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya xil. Cabdifitaax Qaasim, ayaa sumcad-dil ku sifeeyay go’aanka Midowga Afrika ee ku aaddan in lala socdo dhaqdhaqaaqa ciidamada Soomaaliya, inta uu jiro khilaafka siyaasadeed ee dalka ka aloosan.

Wasiirka ayaa sheegay in waajibaadka AMISOM aanay  qayb ka ahayn, in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada Soomaaliya, balse shaqadoodu tahay in ay ilaaliyaan xarumaha dowladda iyo madaxda dalka.

“AU-da waxa ay soo saartay in Ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidanka Soomaalida, Ciidamadii aan rabnay in ay ka madax-bannaanaadaan miyaa la hoos geynayaa, AMISOM shaqadoodu waa in ay ilaaliyaan xarumaha dowladda, madaxda iyo la dagaalanka argagixisada” ayaa laga soo xigtay wasiirka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker