Soomaalida ku nool dalka Maraykanka oo ka cabasho ka muujiyay qiimaha baasaboorka Soomaaliya

Soomaalida ku nool dalka Maraykanka ayaa cabasho weyn ka muujinaya qiimaha ay ku helayaan baasaboorka Soomaaliya.

Qiimaha ay safaaradda Soomaaliya ee Washington ku bixiso baasaboorka Soomaaliya ayaa afar jeer ka badan qiimaha lagu bixiyo baasaboorka Maraykanka.

Soomaalida degan Mareykanka ee doonaya baasaboorka Soomaaliya, ayaa ka cabanaya in laga qaado lacag $430. waxay sheegeen lacagahaasi in aanay ahayn kuwa ay u dajisay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal (Isaaq Fanax) oo safar ku jooga Maraykanka ayaa sheegay in dowladdu aysan ka war-hayn lacagtaas, ayna wax ka qabanayaan cabashada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda oo la hadlay VOA Somali ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo qiimaha saa’idka ah ee baasaboorka Soomaaliya.

“Ma yeelayno wax muwaadinka Soomaaliyeed dhib ku ah. Sababta safaaradda meeshaan u joogto waa inay fududaysaa adeegga muwaadinka Soomaaliyeed ee meeshaan jooga ama dalkaan soo gaaray. Markii haddii arrintaas jirto oo culays ka jiro, waxaan ka qaadidoonaa tallaabo degdeg ah.” ayuu yiri wasiirku.

Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay inay socdaan dadaalo ku aadan in qofka wata baabasaboorka Soomaaliya laga tixgaliyo Maraykanka iyo waddamada kale. Wuxuuse sheegay inay jiraan caqabado badan oo u baahan waqti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker