Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo Fasax-geliyay Shaqaalaha

Gudomiyaha Hay’adda Shaqaaalaha Dawladda JSL Mudane Farxaan Aadan Haybe Waxa Uu Hambalyo Bogaadin Iyo Bishaaraba U Diyarayaa Dhamaan Shaqaalaha Dawlada Qaranka Somaliland Gobol Degmo Iyo Tuulaba iyo meelkaastaba ay ka joogan qaranka Somaliland isago ugu hambalyaynaya xuska munaasibada sanad guurada 28 ee kaso wareegtay laso noqoshada madaxbanaanida qaranka Somaliland ee 18 May.

Gudomiyaha oo ugu hambalyeeyay in maalmaha sabtida iyo Axada ee bishu tahay 18/5/2019 ilaa 19/5/2019 ay shaqaale waynaha qaranku fasax ka noqonayaan Hawl-maalmeedkodii shaqo ee ay qaranka u hayeen, sido kalana dib shaqada lagu soo noqon doon 20/5/2019 oo ah maalin isniina taas oo ay caadi u gudan doonan shaqadii maalin laha ahayd ee ay qaranka u hayeen.

Ugu danbayn gudomiyaha Hay’adda shaqalaha Dawladdu waxa uu dhamaan faraya shaqaale waynaha qaranka Somaliland inay si balaadhan uga qayb qataan oo ay wayneeyan xuska iyo Xafladaha maalinta qaran ee 18 May oo ah maalin ku wayn dhamaan umada Reer Somaliland isago alle uga baryay in sanadkan sanadkiisa uu ku gaadhsiiyo Horumar Iyo Barwaaqo.

Alle Mahad Leh

Farxaan Aadan Haybe.
Gudomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker