Khilaaf Dhinaca Awooda ah Oo ka Dhex-qarxay Wasiirada Waxbarashada Iyo Warfaafinta Somaliya.(Akhriso)

Loolan Xooggan ayaa ka dhex qarxay  Laba Wasiir oo ka Wada Tirsan Xukuumada Federaalka ah ee Soamlia, Waxaanay kala Yihiin Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare Cabdullaahi Goodax Barre, iyo Wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Maxamed Cabdi Xayir Mareeye, ayada oo la isku hayo Awoodda labada Wasaaradood.

 

Wasiirka Maareeye ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku gacan seedhay wax kama jiraanna ku tilmaamay Guddiga Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska oo isla maanta uu dhisay wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.

 

Qoraalka Maareeye ayaa ku dooday in Wasaaradda Waxbarashadu “ay dhistay guddi hal dhinac ah oo aanay cidna kala tashan, iyadoo Masuuliyadihii Gudigaas u dhiibtay dad aan ka socon Hay’adihii Dawladda iyo kuwii Bulshada ee xirfad ahaan iyo Mas’uuliyad ahaanba doorka ku lahaa.”

 

Maareeye ayaa ku dooday in sida ku cad magaca iyo mandate-ka labada wasaaradood, “wasaaradda warfaafintu ay leedahay masuuliyadaha gudiga ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka (information and culture) maadaama ay maamusho warfaafinta dalka, golaha murtida iyo wacyigelinta., iyo hobolada iyo abwaaniinta dalka, halka wasaaradda waxbarashaduna leedahay mas’uuliyadaha waxbarashada iyo hidaha (education and heritage).

 

 

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Sida uu yahay Mandate-ka wasaaradaha ee kala duwan, wasaaradda waxbarashadu wax shuqul ah kuma laha dhaqanka, waa masuuliyad ay leedahay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.”

 

 

Sidaas awgeed, ayaa lagu yiri qoraalka Maareeye, “waxaanu cadeynaynaa in gudigaas ay wasaaradda waxbarashadu maanta ku dhawaaqday yahay guddi baalmarsan nidaamka loo dhiso gudigan oo kale oo aanu sharci ahayn, isla markaana meteli karin bahda dhaqanka iyo warfaafinta ee Soomaaliya.”

 

 

Maareeye ayaa ugu dambeyn sheegay in dhowaan wasaaraddiisu billaabi doonto “dhismaha guddi qaran oo si hufan loo dhisay ayna ku mideysan yihiin dhammaan hay’adaha dawladda iyo kuwa bulshada ee doorka ku leh.”

Hoos ka Aqriso Qoraalka Maareeye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker