Maxay Sharaxaad Uga Bixin Waayaan Xukuumadda Soomaaliya Wasiirada ay xilalka ka qaado?

Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan wuxuu u dambeeyey tiro wasiirro ah oo soo maray xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, kuwaasoo xilliyo kala duwan xilalka laga qaaday, ama iska casilay.

Sida ay sheegeen wasiirada qaar oo xilka laga qaaday, waxaa jiray balanqaad loo sameeyay oo ahaa in ay waqtiga isla dhamaysan doonaan xukuumadda.

Hase yeeshee tiro ka 7 wasiir ayaa laga qaaday xilalkii ama laga eryey wasaaradihii ay hayeen ayadoo aan la sheegin sababta.

Tiradaas waxaan ku jirin wasiirradii iyo wasiir ku xigeennadii baneeyey boosaskooda, si ay ugu tartamaan jagadii guddoomiyaha baarlamaanka, Wasiir Cabaas Siraaji oo Muqdisho lagu dilay iyo wasiirad Maryan Qaasim oo is casishay.

Dadweynuhu xaq ma u leeyihiin inay ogaadaan sababta loo eryayo wasiirrada?
Su’aasha ugu weyn ee ay dadku is weydiinayan waxay tahay miyeynaan xaq u lahayn in aan ogaanno sababta wasiirro intaa le’eg loo eryey ama ay uga tageen shaqadii ay qaranka u hayeen?.

Weli lagama jawaabin su’aashaas, laakin Maxamed Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya wuxuu qabaa in hawshaas ay baarlamaanka u taallo.

“Sida dastuurku dhigayo, waxaa matala wakiillo baarlamaan. Hadduusan baarlamaanku la hadli karin oo uusan su’aashaas weydiin karin ra’iisul wasaaraha, hadde shacabku afarta sano inta ay ka dhamaanayso uun bay sugayaan” ayuu yiri.

Wuxuu dareen ka muujiyey tirada sii kordhaysa ee wasiirrada xafiiska ka tagaya ama laga eryayo muddadii sannad iyo barka ahayd ee ay dawladdu jirtay.

Wuxuu barbar dhigay dawladihii ka horreeyey oo uu sheegay in heerkan aysan gaarsiisnayn, wuxuuna u aanaynayaa isagoo tusaale u soo qaatay wasiirkii waxbarashada ee u dambeeyey wasiirrada la eryey, in uusan jirin dulqaad siyaasadeed oo hadal uu wasiirku sheegay, markii dambena uu raalli galin ka bixiyey uu sababsaday.

“Khaladkan oo kale cidna ma caawinayo, wasiirkii ma caawin, xukuumaddii ma caawin, wasiir cusub oo la keenana wuxuu u baahan yahay inuu hay’adihii kala barto” ayuu yiri Caalin.

Wuxuu tilmaamay Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ay horay u balanqaadeen xasilooni siyaasadeed “Xukuumad ballanqaadyo samaysay oo sheegtay in ay koox ahaan u wada shaqaynayso oo aqoonyahanno leh, haddana dadkii xukuumaddu keentay sida Maryan, wasiir Juxa, Yuusuf Garaad ay qaar yiraahdaan nidaam darro ayaan shaqada uga tegey, qaarna ay yiraahdaan ma aynaan ogayn waa dhaqan ku cusub xukuumadda Khayre, mas’uuliyadana waxaa iska leh wasiirka 1aad. dadku waxay dusha u saaraan Madaxweynaha. Hadday xukuumaddu najaxdo iyo hadday shaqayn waydo labada ra’iisul wasaaraha ayaa iska leh” ayuu sii raaciyey.

Maxay tahay sababta aan loo sheegin xil ka qaadidda wasiirrada?
Maxamed Caalin wuxuu qabaa in arrintaas uu madaxweynuhu ka gaabiyey. “Waxay noola muuqataa in madaxweynuhu uusan door weyn ku lahayn inuu ilaaliyo maadaama uu yahay hay’adda ugu dambaysa ee waddanka xagga sharciga marka laga fiiriyo. Arrinta madaxweynaha ayey u taallaa inuu baaritaan ku sameeyo oo mas’uuliyadiisa ka soo baxo” ayuu yiri.

Ma ahan oo kaliya wasiirada xilka laga qaaday, ee waxaa kale oo jira waxyaabo kale oo tiro badan oo dalka ka dhaca oo aanan la sharixin sababtii ay ku dhaceen.

Mala oran karaa waa falsafad siyaasadeed oo u degan dowladda hadda jirta?. Taasi waa su’aal aanan durba laga jawaabi karin, maluhuna waqtiga ka jawaabi doono.

@ BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker