Madaxweynaha Ethiopia Sahle-Work Oo Ka Guddoontay Warqadaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub Ee Soomaaliya Cali Shariif.

Addis-ababa-(OWN)-Madaxweynaha dowlada Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa warqadaha aqoonsiga ee danjiranimo waxa ay ka gudoontay danjiraha cusub ee Soomaaliya dalka Itoobiya Cali Sharif Axmed.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee  dalka Ethiopia Cali Shariif Axmed munaasabadii uu warqadaha aqoonsiga loogaga guddoomayay waxa uu Madaxweynaha Itoobiya u gudbiyay Salaan uu ka waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay Danjire Cali in Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeeyo xidhiidh aad u fog ,  waxa uuna bogaadiyey isbadalka ka dhacay Geeska Africa iyo ahmiyada ay u leedahay labada bulsho ee Soomaaliya iyo Itoobiya in la abuuro isdhexgal dhaqaale.

Dowlada Soomaaliya ayaa safiir cusub u magacawday dalka Itoobiya, waxaana safiirkan la filayaa in uu sii xoojiyaan xidhiidhka dowlada Soomaaliya kala dhaxeeya dalka Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker